Xeeladaha lagu yareynkaro khasaaraha shidaalka

Iyadoo la raacayo xiisadda ka taagan Bariga Dhexe, waxaa la arkayaa in dalalka shidaalka soo iibsada ay la kulmayaan caqabado ku saabsan helitaanka sahay joogto ah. Tani waxay ku qasbeysaa dalalka iyo bulshada inay shidaalka ay kaydsadaan iyagoo s taxaddar leh u isticmaalaya ilaa xaaladdu caadi ku soo noqonayso.

Dalal badan ayaa qaaday tallaabooyin degdeg ah, isla markaana dib u eegaya istaraatiijiyadooda muddada dheer si ay u helaan xalal waara. Sidaas darteed, bulshada waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay qaataan dhaqammo yareynaya khasaaraha shidaalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin qodobadan:

In la xoojiyo isticmaalka gaadiidka dadweynaha sida tareennada, basaska iyo adeegyada kale ee dadweyne.

In la ballaariyo isticmaalka baabuurta ku shaqeeya korontada halkii laga isticmaali lahaa shidaal.

In baabuurta isku dhafan ee shidaalka iyo korontada leh lagu dadaalo inay si buuxda ugu shaqeeyaan koronto halkii ay shidaal ka isticmaali lahaayeen.

In la xoojiyo beddelidda baabuurta shidaalka ku shaqeeya loona rogo kuwo koronto iyo gaas dabiici ah ku shaqeeya.

In safarrada gaaban ee magaalada lagu sameeyo lug ama baaskiil.

In si joogto ah loo hubiyo saliidda matoorka, filtarrada, iyo cadaadiska hawada taayirrada, isla markaana la sameeyo dayactir joogto ah oo lagu adeegsado qalab asal ah.

In la damiyo matoorka marka baabuurku taagan yahay muddo.

In la yareeyo culayska saaran baabuurka si aan matoorka loogu badin shaqo.

In gaadiidka xamuulka qaada ee ilaa 20 tan loo rogo koronto, kuwa ka badan 20 tanna loo rogo gaas dabiici ah iyo koronto.

Dhanka kale, Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskuxidhka Gobolka ayaa sheegtay in ololaha lagu xakameynayo falalka sharci-darrada ah ee ka dhaca qaybinta iyo iibinta shidaalka uu ka socda deegaannada iyo maamullada magaalooyinka, isla markaana uu keenayo natiijooyin muuqda.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa xusay in xiisadda Bariga Dhexe ay saameyn ku yeelatay dalalka shidaalka soo iibsada, wuxuuna ku boorriyey qaybiyeyaasha shidaalka, xarumaha shidaalka iyo isticmaaleyaasha inay shidaalka u isticmaalaan si tashiilan, mudnaana siiyaan adeegyada aasaasiga ah, isla markaana muujiyaan masuuliyad ilaa sahaydu caadi ku soo noqoto.

#WWI

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015