Iyadoo la isticmaalayo tamarta la cusboonaysiin karo ayaa waxaa adeega korontada la gaarsiinayaa bulshada miyiga

Addis Ababa, Cuur 28/2018 (ENA): Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ayaa sheegtay in xoogga la saarayo adeegsiga tamarta la cusboonaysiin karo si koronto loo gaarsiiyo bulshada ku nool miyiga. Arrintan ayaa qeyb ka ah hirgelinta Barnaamijka Qaran ee helida adeega korontada guud ahaan dalka.

Wasaaraddu waxay magaalada Baahir Dhaar ka bilowday tababar laba maalmood ah oo diiradda lagu saarayo fulinta Barnaamijka Qaran ee Korontada. Wasiiru Diwlaha Waaxda Tamarta, Injineer Suldaan Wali (Dr.), ayaa sheegay in Itoobiya ay leedahay awood weyn oo ay koronto kaga dhalin karto biyaha, qorraxda, dabaysha iyo kulaylka dhulka hoostiisa.

Inkasta oo awoodda laga dhalin karo ilahan ay gaareyso ilaa 150 gigawatt, haddana waxa ilaa hadda la horumariyey waa qiyaastii lix boqolkiiba oo keliya. Wuxuu xusay in dadaallada lagu beddelayo awooddan mid la taaban karo ay ka mid yihiin Mashaariicda waaweyn sida Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya iyo kuwo kale.

Waxaa la caddeeyey in si loo daboolo baahida koronto ee kororka dhaqaale ee dalka, isla markaana Barnaamijka Qaran ee adeegga korontada looga dhigo mid gaara dhammaan deegaannada, muhiimad gaar ah la siinayo tamarta la cusboonaysiin karo, gaar ahaan tamarta qorraxda ee si fudud loogu gaarsiin karo miyiga.

Madaxa Xafiiska Biyaha iyo Tamarta ee deegaanka Amxaarada, Injineer Dagninet Fenta (Dr.), ayaa dhankiisa sheegay in kor u qaadista helitaanka korontadu ay saldhig u tahay dardargelinta horumarka dhaqaale iyo bulsho ee deegaanka, islamarkaana ay kaalin ka qaadanayso casriyeynta magaalooyinka iyo ballaarinta warshadaha iyo maalgashiga.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in iyadoo la tixgelinayo qaab-dhismeedka kala firidhsan ee bulshada miyiga ku nool, si wadajir ah looga shaqeynayo ballaarinta kaabeyaasha koronto ee ku shaqeeya tamarta qorraxda. Tababarkan laba maalmood soconaya waxaa ka qeybgalaya hoggaaminta iyo khubarada waaxda, iyo sidoo kale shirkadaha keena qalabka solar-ka.

#WWI

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015