Waxaa socda dadaallo lagu xakameynayo sharci ahaanshaha ganacsiga shidaalka ee deegaanka iyo fududeynta howlaha gaadiidka — Xafiiska Ganacsiga iyk Gaadiidka - ENA Af-Soomaali
Waxaa socda dadaallo lagu xakameynayo sharci ahaanshaha ganacsiga shidaalka ee deegaanka iyo fududeynta howlaha gaadiidka — Xafiiska Ganacsiga iyk Gaadiidka
Jigjiga; Cuur 25/2018 (ENA): Xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDS ayaa sheegay in dadaallo lagu sameynayo sidii loo xakameyn lahaa sharci ahaanshaha ganacsiga shidaalka deegaanka yo fududeynta howlaha gaadiidka.
War-saxaafadeed uu soo saaray madaxa xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDS Mudane Cabdulxakiim Sheikh Xassan, ayaa lagu sheegay in la sameeyay xakameyn adag si looga hortago cadaadiska saaran ganacsiga shidaalka iyo sahayda ka dib qalalaasaha ka dhacay Bariga Dhexe inay saameeyaan bulshada.
Wuxuu sidoo kale sheegay in mudnaanta la siiyay shidaalka gaadiidka u baahan, hay'adaha dhoofinta, mashaariicda dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyo gawaarida qaada alaabada aasaasiga, oo ay ku jiraan ganacsiga soo dejinta iyo dhoofinta.
Wuxuu sidoo kale sheegay in hay'adaha amniga ee deegaanku ay si wada jir ah ula shaqeynayaan Booliska Federaalka iyo Komishinka Kastamka si loo xakameeyo ganacsiga shidaalka ee sharci darrada ah.
Wuxuu sheegay in 3,500 litir oo shidaal ah lagu qabtay dadaallada lagu xakameynayo tahriibinta shidaalka ee sharci darrada ah.
Sarkaalka ayaa sidoo kale ka codsaday bulshada inay xoojiyaan ka qaybgalkooda shaqada isku-dubaridka ah ee lagu xakameynayo tahriibinta shidaalka ee sharci darrada ah.
Waxa kale oo uu tilmaamay in kor u kaca cusub ee qiimaha shidaalka ee deegaanka la hirgeliyay, isla markaana la wado hawlo wacyigelin ah si loogu dhiirrigeliyo bulshada inay si dhaqaale ahaan u isticmaalaan shidaalka.
Waxa kale oo uu bulshada kula taliyay inay keydiyaan shidaalka iyagoo adeegsanaya ilo kale oo tamar la cusboonaysiin karo iyo yareynta safarka aan loo baahnayn.
#Ethiopian_News_Agency
#ENA