Maamulka Degmada Shilaabo ayaa kormeer shaqo ku tagay Caleen

Addis Ababa, Cuur /2018 (ENA): Guddoomiyaha Degmada Shilaabo, Faarax Maaweel, oo hoggaaminayay kormeer shaqo ee lagu tagay Caleen, si loo qiimeeyo xaaladda adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Kormeerka ayaa si gaar ah diiradda u saaray heerka adeeg bixinta ee dugsiyada waxbarashada, xarunta caafimaadka, iyo ceelka biyaha, iyadoo la eegayay tayada adeegga iyo baahiyaha u baahan xalal degdeg ah.


 

Intii lagu jiray booqashada, waxaa la arkay dadaallo muuqda oo ay sameeyeen bulshada aaggaas iyo maamulka, kuwaas oo gacan ka geysanaya joogtaynta adeegyada muhiimka ah.

Waxaa si gaar ah loo bogaadiyay dhallinyarada reer Caleen iyo qurba-joogta ee dayactir ku sameeyay dugsiga hoose dhexe ee Caleen, taas oo wax weyn ka tari doonta tayada waxbarashada Caleen.

Ugu dambayntii, Gudoomiyaha Degmada Shilaabo, Faarax Maaweel ayaa ballan qaaday in la sii xoojin doono dabagalka iyo taageerada adeegyada aasaasiga ah si bulshada Caleen u hesho adeeg hufan oo joogto ah.

#WWI  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015