Kulanweynaha wadatashiga iyo qorshaha udiyaargarawga xili roobaadka gu'ga ayaa ka billowday magaalada Jigjiga

Addis Ababa, Cuur 23/2018 (ENA): Shirkani waxaa ka soo qaybgalay madaxa xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida, Madaxa Xafiiska Beeraha, masuuliyiinta xafiisyada bahwadaagta, maamulada gobolada iyo madax xafiiseedyada beeraha ayaa xooga lagu saarayaa dhagaysiga warbixinta waxqabadka xili roobaadkii tagay, dardargalinta qorshaha u diyaargaraw xili roobaadka gu'ga, xoojinta aaga beeralayda ee laga hirgaliyay gobolada Faafan iyo Shabeelle iyo sidoo kale dardargalinta mashaariicaha kala duwan ee xafiisku fuliyay.

Inj. Maxamed Shaale, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida iyo Madaxa Xafiiska Beeraha Cabdulaahi Maxamed ayaa sheegay in bahda beeraha looga baahan yahay inay mudnaan gaara siiyaan qorshayaasha lagu xaqiijinayo horumarinta waxsoosaarka beeraha iyo isku filaanshaha.

Shirkani ayaa inta uu socdo lagu eegi doonaa shaqooyinka waxsoosaarka iyo caqabadaha si la iskula meel dhigo qorshe midaysan.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015