Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo abuurka Deegaanka Soomaalida iyo Jaamacadda Jigjiga ayaa kala saxeexday Heshiis Is-afgarad - ENA Af-Soomaali
Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo abuurka Deegaanka Soomaalida iyo Jaamacadda Jigjiga ayaa kala saxeexday Heshiis Is-afgarad
Addis Ababa, Cuur 23/2018 (ENA) – Maanta, Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo Abuurka Dawlad Deegaanka Soomaalida iyo Jaamacadda Jigjiga ayaa si rasmi ah u kala saxeexday Heshiis Is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada horumarinta Xirfadaha iyo Shaqo abuurka.
Heshiiskan ayaa saldhig u ah wada-shaqeyn istiraatiiji ah oo ku dhisan wadaagista aqoonta, khibradda, iyo kheyraadka, si loo hagaajiyo adeegyada la xiriira horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka iyo horumarinta shirkadaha. Sidoo kale, waxa uu dhiirrigelinayaa cilmi-baadhista, gudibinta farsamooyinka casriga ah, gudbinta tababaro, iyo adeegyo bulshada lagu gaarsiiyo si wax looga qabto caqabadaha jira.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta barnaamijyo waara, xoojinta awoodda hay’adaha, iyo kor u qaadidda tayada adeegyada, iyagoo la jaanqaadaya siyaasadaha iyo qorshayaasha dowladda.
Heshiiska ayaa si gaar ah diiradda u saaraya, Iskaashiga Horumarinta Cilmi baadhista, Gaadhsiinta iyo Gudbinta farsamooyinka Casriga ah ee bulshada, Kobcinta Awooda iyo kor uqaadista Aqoonta Macalimiinta, Kor uqaadida iyo Xaqiijinta Tayada, Kor uqaadida Tababarada Iskaashiga ah, Wacyigelinta bulshada, Horumarinta Shaqo Abuurka iyo Shirkadaha iyo Xoojinta Xarumaha Adeega Hal goob.
Intaa waxaa dheer, labada dhinac ayaa iska kaashan doona isku xirka adeegyada iyo wadaagista kheyraadka si loo hirgeliyo qorshayaal wax-ku-ool ah oo bulshada anfaca.
Heshiiskan oo socon doona muddo saddex sano ah ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato horumarinta iyo tayeynta adeegyada xirfadaha iyo shaqo abuurka ee bulshada deegaanka loo fidiyo.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya