Komishinka Wadatashiga Qaran ee Itoobiya ayaa bilaabay wajiga koowaad ee ururinta ajendaha ee wakiiladda ka socda deegaanka Tigraay

Addis Ababa, Cuur 23/2018 (ENA): Komishinka Wadatashiga Qaran ee Itoobiya wuxuu bilaabay qabashada madasha wajiga koowaad ee ururinta ajendaha ee wakiiladda deegaanka Tigraay, taas oo ka socota Addis Ababa.

Komishinku horay ayuu u shaaciyay in habka ururinta ajendaha ee deegaanka Tigraay uu ka dhici doono Addis Ababa inta u dhaxaysa 23 ilaa 25 Cuur 2018 T.I.

Madashan waxaa ka qeybgalaya Komishineerka Guud ee Komishinka, Brof. Masfin Ar'aaya, xubnaha komishinka, xisbiyada siyaasadeed ee ka jira deegaanka, iyo daneeyayaal kale.


Komishineerka Guud ee Komishinka, Brof. Masfin Ar'aaya ayaa sheegay in komishinku uu qabtay in ka badan 22 kulan oo wadatashi ah kaasoo ka kala dhacay deegaanka Tigray iyo Addis Ababa.

Si kastaba ha ahaatee, sababo la xiriira xaalado jira oo aan suurtagelinin in hawsha ururinta iyo kala saarista ajendaha lagu qabto gudaha deegaanka Tigraay, wajiga koowaad waxaa lagu qabtay Addis Ababa.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in komishinku diyaar u yahay in uu la fariisto daneeyayaasha Tigraay ee aan ka qeybgelin wajigan, si wada hadal loogu sii wado mustaqbalka.

Madashan ma aha oo kaliya ururinta ajendaha, balse sidoo kale waxaa lagu dooranayaa wakiillada ka qeybgalaya shirweynaha guud ee Wadatashiga Qaran.


 

Komishinku wuxuu caddeeyay in uu u shaqeynayo si dhexdhexaad ah oo loo dhan yahay, isla markaana uu fududeeyay ka qeybgalka deegaanka Tigraay ee geeddi-socodka wadatashigan.

Waxaa la muujiyay kalsooni ah in madashani ay noqon doonto meel laga hormarinayo jacaylka halkii laga hormarin lahaa nacaybka, wadahadalkana laga hormarin lahaa khilaafka, si loo dhiso dal ay wada leeyihiin dhammaan muwaadiniintu.

Komishineer Danjire Maxamuud Dirir, ayaa dhankiisa sheegay in komishinku uu ilaa hadda waday hawlaha ururinta ajendaha iyo diyaarinta howlaha hordhaca ah.

Wuxuu xusay in doodihii la qabtay ay ahaayeen kuwo laga wada qeybgalay loo dhanaa.

Ugu dambayntii, wuxuu tilmaamay in komishinku uu u taagan yahay in xalinta isfaham la’aanta lagu saleeyo dhaqanka wadahadalka iyo wadatashiga.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015