Go’aan laga soo saaray sidii loo maamuli lahaa bixinta shidaalka si cadaalad ah oo waxtar leh

 

Si looga hortago in yaraanta shidaalka ay saameyn ku yeelato dhaqaalaha dalka iyo nolosha bulshada, looguna maamulo si caddaalad ah, waxaa la go’aamiyey in nidaamkan hoose lagu dabaqo:

1. Baabuurta shidaalka qaada waxaa la siin doonaa mudnaanta hore ee keydka.

2. Warshadaha waaweyn iyo shirkadaha dhoofinta ayaa si toos ah loo gaarsiin doonaa.

3. Mashruucyada gaarka ah iyo kuwa dowladda ee mudnaanta leh ayaa si toos ah loo gaadhsiin doonaa.

4. Baabuurta qaada alaabta aasaasiga ah ee ganacsiga, oo ay ku jiraan alaabta dhoofinta, ayaa mudnaan gaar ah lagu siin doonaa.

5. Cagafyada beeraha iyo kuwa kale ee wax soo saarka beeraha taageera ayaa mudnaan yeelan doona.

6. Gaadiidka magaalooyinka iyo kuwa dadweynaha qaada ayaa mudnaan la siin doonaa.

7. Baabuurta kale ee naaftada ku shaqeeya ee adeegyada bulshada bixiya ayaa sidoo kale mudnaan gaar ah lagu siin doonaa.

Haddii nidaamkan laga baxo, tallaabooyin sharci oo habboon ayaa la qaadi doonaa si loo hubiyo in qaybinta shidaalka ay ku dhacdo si waafaqsan qorshayaasha.

#WWI  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015