Shirkadda Isgaadhsiinta Itoobiya ayaa bilowday xal Dijital ah oo loogu magacdaray TeleSign, si loo xoojiyo adeegyada dowladda - ENA Af-Soomaali
Shirkadda Isgaadhsiinta Itoobiya ayaa bilowday xal Dijital ah oo loogu magacdaray TeleSign, si loo xoojiyo adeegyada dowladda
Addis Ababa, Cuur 22/2018 (ENA): Shirkadda Isgaadhsiinta Itoobiya ayaa bilaabay xal dijital ah oo loogu magacdaray TeleSign, kaasoo kor u qaadaya adeegyada dowladda, iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Cadaaladda, iyo adeegyada hubinta iyo diiwaangelinta federaalka.
Agaasimaha Guud ee Shirkadda Isgaadhsiinta Itoobiya, Freehiwat Taamru, ayaa sheegtay in shirkaddu ay si weyn u ballaarinayso kaabayaasha tiknoolajiyadda ee dalka si loo fududeeyo ganacsiga dijitalka ah, isla markaana adeegan cusub ee TeleSign uu qayb weyn ka noqon doono safarka Itoobiya ee isbeddelka dijitalka.
Adeegan cusub wuxuu xaqiijinayaa aqoonsi dijital ah oo ammaan ah, saxiix dijital ah oo sharciyaysan, iyo adeegyo dijital ah oo awood u siinaya dowladda inay si buuxda u fuliso howlaha adeega dawladda ee casriga ah. Tani waxay ka caawinaysaa dhimista wadooyinka dheer, kor u qaadida hufnaanta adeegyada, iyo kordhinta ka faa’iidaysiga tiknoolajiyadda dijitalka ee dalka.
Adeeggan cusub wuxuu muwaadiniinta u ogolaanayaa inay adeegyada dowladda ka helaan internet-ka meel kasta oo ay joogaan, taasoo xoojineysa helitaanka adeegyada si degdeg, hufan, oo lagu kalsoonaan karo, sidoo kale muwaadiniinta gudaha iyo dibadda ay helaan.
Waxaa intaa dheer, adeegga wuxuu la jaanqaadi doonaa aqoonsiga dijitalka qaranka, isagoo hubinaya sharciyadda dukumentiyada iyo saxiixyada dijitalka ah, isla markaana adeegsiga tiknoolajiyada sirta sare leh ayaa ilaalin doonta in dukumentiyada aan la beddelin ama la waxyeeleyn.
Waxaa la filayaa in adeeggan dijitalka ah uu yahay talaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo safarka Itoobiya ee dhanka dowladda ee dijitalka ah, korna loogu qaadayo hufnaanta, amniga, iyo fududeynta adeegyada lasiiyo muwaadiniinta.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya