Madaxweyne Taaye Asqasilaase oo la kulmay Madaxweynaha Equatorial Guinea

Addis Ababa, Cuur 22/2018 (ENA): Madaxweynaha Taaye Asqasilaase ayaa wada hadal la yeeshay Madaxweynahe Teodoro Obiyaang Nguema Mbasogo ee Equatorial Guinea.

Farriin uu ku daabacay boggiisa baraha bulshada ayuu ku sheegay in kulankani ka dhacay dhinaca shir madaxeedka Ururka Dowladaha Afrika, Kariibiyaanka iyo Baasifigga.

Wadahadalku wuxuu diiradda saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga ay ka leeyihiin arrimaha gobolka.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015