Addis Ababa waa muujinta qorshaheenna horumarinta magaalo loo dhan yahay kana fog aragti gaaban — Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed

Addis Ababa, Cuur 22/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed ayaa sheegay in Addis Ababa ay ka badan tahay caasimad, isla markaana ay tahay muujinta qorshaha horumarinta magaalo loo dhan yahay, lehna aragti fog.

Farriin uu ku baahiyey bartiisa baraha bulshada ayuu ku xusay in Addis Ababa ay ku jirto koboc degdeg ah, ayna tahay albaabka laga galo mustaqbalka Itoobiya, sidoo kalena ay tahay wadnaha dalka oo si xawli ah isu beddelaya.

Wuxuu sheegay in ballaarinta kaabayaasha, keenista xalal magaalo oo casri ah, dhismaha guryo lawada helo, iyo xaqiijinta koboc waara ay yihiin shaqooyin aan u qabaneyno jiilasha berri.

Sida uu tilmaamay, magaalooyinka Itoobiya waxaa loo qaabeynayaa si ay dadka u awood siiyaan, kartidana looga faa’iideysto, loona xaqiijiyo barwaaqo waarta.

Wuxuu xusay in dalka ay horumarka iyo dhaxalku isgarab socdaan, halkaas oo ilbaxnimooyinkii hore ay u noqdaan saldhig guul casri ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in maalgashadayaashu ka heli karaan fursado ballaaran oo aan weli la taaban, oo ku kala baahsan dhammaan qaybaha kala duwan.

Laga bilaabo waddooyinka Addis Ababa ilaa daafaha dalka, Itoobiya waxay diyaar u tahay fursado ganacsi oo firfircoon oo gaar ah.

Isagoo xusay in Addis Ababa ay tahay xarunta diblomaasiyadda Afrika, wuxuu sheegay inay isku xirto qaaradda koraysa iyo dunida inteeda kale.

Itoobiya, isagoo hadalkiisa sii wata, waxa iu sheegay inay noqotay albaab istaraatiiji ah oo laga soo galo suuqyada Afrika, isla markaana xarun u ah iskaashi caalami ah. Wuxuu intaa ku daray in Itoobiya ay sidato wax ka weyn fursado, taas oo ah awoodda lagu ogaanayo laguna muujinayo wax cusub.

Halkan, mustaqbalka ayaan ku dhisaynaa.
Maalgasho Itoobiya. Soo booqo Itoobiya. La koboc Itoobiya, ayuu ku soo gabagabeeyey farriintiisa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015