Hay’adaha Maaliyadeed ee Shiinaha ayaa xaqiijiyay inay sii wadi doonaan taageerada horumarinta iyo dib-u-habaynta dhaqaalaha Itoobiya - ENA Af-Soomaali
Hay’adaha Maaliyadeed ee Shiinaha ayaa xaqiijiyay inay sii wadi doonaan taageerada horumarinta iyo dib-u-habaynta dhaqaalaha Itoobiya
Addis Ababa, Cuur /2018 (ENA): Hay’adaha maaliyadeed ee Shiinaha ayaa shaaciyay inay sii xoojinayaan taageerada ay siiyaan Itoobiya ee ku wajahan horumarinta iyo dib-u-habaynta dhaqaalaha.
Wafdi sare oo Itoobiya ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa booqasho shaqo ku jooga Shiinaha. Wafdiga waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Bangiga Qaranka Dr. Iyoob Takaaliny, masuuliyiin ka socda Wasaaradda Maaliyadda iyo Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya.
Sidoo kale, Safiirka Itoobiya ee Shiinaha Tafaraa Dharbew ayaa kulamada ku weheliyay wafdiga. Booqashadan waxay diiradda saaraysaa laba qodob: dhamaystirka wada-xaajoodka dib-u-habaynta deynta, iyo dedejinta heshiisyada maaliyadeed ee mashruuca Garoonka Caalamiga ah ee Bishoftu.
Wafdigu waxay kulamo xiriir ah la yeesheen madaxda Bangiga Dhoofinta-Soodajinta Shiinaha, Bangiga Warshadaha iyo Ganacsiga Shiinaha, iyo Bangiga Horumarinta Shiinaha. Wadahadalladu waxay ku saabsanaayeen dhamaystirka habka dib-u-habaynta deynta iyo helitaanka ilo maaliyadeed oo cusub oo lagu maalgeliyo mashaariicda mudnaanta leh ee kaabeyaasha dhaqaalaha.
Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa sheegay in horumar muuqda laga gaaray wada-xaajoodka deynta, isla markaana geeddi-socodku marayo heer gabagabo ah. Wuxuu xusay in guusha arrintani ay siin doonto dowladda furfurnaan miisaaniyadeed oo u oggolaanaysa dardargelinta dib-u-habaynta dhaqaale iyo mashaariicda horumarineed.
Hay’adaha maaliyadeed ee Shiinaha ayaa dhankooda ammaanay natiijooyinka dib-u-habaynta dhaqaale ee Itoobiya ku hirgelisay hoggaanka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Waxay sidoo kale adkeeyeen ballanqaadkooda ah inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dadaallada horumarineed iyo dib-u-habaynta dhaqaalaha ee Itoobiya.
Intaa waxaa dheer, wasiirku wuxuu ku boorriyay hay’adaha maaliyadeed inay dedejiyaan qiimeynta iyo ansixinta qaabka maaliyadeed ee mashruuca Garoonka Caalamiga ah ee Bishoftu, isagoo tilmaamay muhiimadda dhaqaale ee mashruucan iyo doorka uu ku leeyahay xoojinta kaalinta Itoobiya ee xarunta duulista gobolka iyo koboca dhaqaale ee muddada fog.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la xoojiyo iskaashiga kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda, taas oo kor u qaadi doonta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal ku dhisan faa’iido wadaag.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya