Komaando Fiqru Muluye, Taliyaha Kooxda Xagjirka ah ee hubeysan ee ka dhaqdhaqaaqaysay Amxaarada ayaa aqbalay baaqii Nabaddeed ee dowladda

Addis Ababa, Cuur 22/2018 (ENA):Komaando Fiqru Muluye, Taliyaha Kooxda Xagjirka ah ee hubeysan ee ka dhaqdhaqaaqaysay Amxaarada, oo isku magacowda “Afaben”, ayaa aqbalay baaqii nabaddeed ee dowladda, isagoo isaga iyo ilaaladiisuba ay si nabad ah isugu soo dhiibeen ciidanka qaranka meel u dhow Lalibela iyo nawaaxigeeda.

Wuxuu sheegay in inkastoo ay ku bilaabeen halgan ay ku andacoonayeen in ay “Amxaarada xoraynayaan”, haddana markii ay si deggen u qiimeeyeen xaaladda, ay ogaadeen in jihada ay qaadeen ay khatar weyn ku tahay shacabka Amxaarada iyo dalka guud ahaan. Taas darteed ayuu ku dhawaaqay inay aqbaleen baaqii nabadda.

Komando Fiqru wuxuu sidoo kale sheegay in ujeeddadoodii ay bedeleen dad gudaha ku jira, TPLF iyo xoogag shisheeye. Wuxuu xusay inuusan rabin inuu noqdo ka qaybqaate taariikh madow, isla markaana uusan doonayn inuu noqdo fuliyaha dano aan isaga quseyn, sidaas darteedna uu doortay inuu ku laabto nolol nabadeed.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhibaato kasta lagu xallin karo oo keliya waddo nabadeed, isagoo qirtay in go’aamo degdeg ah iyo qiimeyn la’aan ay ku riixeen falal uu hadda ka qoomamaynayo oo waxyeello u geystay shacabka iyo dalka.

Isagoo sheegay inuu wax ka bartay khaladaadkii hore, ayuu ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeego si nabad ah, wuxuuna ugu baaqay dhammaan xubnaha ku jira duurka inay aqbalaan baaqa nabadda oo ay ku soo laabtaan nolosha caadiga ah.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in joojinta colaadda ka jirta Deegaanka Amxaarada ay muhiim u tahay in deegaanka laga wareejiyo xaalad dagaal una gudbo horumar iyo koboc.

Ugu dambayn, Komando Fiqru Muluye wuxuu sheegay in xaqiijinta nabadda dalka iyo dadka ay tahay arrin waqtigeedu yimid, isla markaana uu diyaar u yahay in si wadajir ah looga hortago cid kasta oo caqabad ku ah horumarka Itoobiya.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015