Nidaam casri ah oo kor u qaadaya doorka Addis Ababa ee ganacsiga iyo maalgashiga ayaa la sameeyay – Duqa magaalada Adhaanaj Abebe - ENA Af-Soomaali
Nidaam casri ah oo kor u qaadaya doorka Addis Ababa ee ganacsiga iyo maalgashiga ayaa la sameeyay – Duqa magaalada Adhaanaj Abebe
Addis Ababa, Cuur 16/2018 (ENA): Duqa magaalada Addis Ababa, Adhaanaj Abebe, ayaa sheegtay in la hirgeliyay nidaam casri ah oo xoojinaya doorka magaalada ee ah xarun caalami ah oo ganacsi iyo maalgashi.
Madasha ugu horreysa ee Itoobiya iyo Talyaaniga ee dhismaha, kaabeyaasha iyo horumarinta magaalooyinka ayaa ka socota Addis Ababa.
Adhaanaj Abebe ayaa xustay in guulaha laga gaaray horumarinta marinnada iyo hareeraha togaga ee magaalada ay sare u qaadeen tartanka caalamiga ah iyo soo jiidashada maalgashiga.
Waxay sidoo kale sheegtay in adeegga dijitaalka ah ee “hal goob” uu abuuray jawi fududeynaya in maalgashadayaashu si hufan u helaan adeegyada dowladda.
Tani waxay dardargelisay kobaca degdegga ah ee magaalada, iyadoo abuureysa jawi ku habboon ganacsiga iyo maalgashiga, isla markaana dhiirrigelinaysa ka qeybgalka qaybta gaarka loo leeyahay.
Waxay intaas ku dartay in maalgashadayaasha ka shaqeeya ganacsiga iyo maalgashiga la siinayo taageero lagama maarmaan ah.
Dhankiisa, Wasiir ku-xigeenka Horumarinta Magaalooyinka iyo Kaabeyaasha Yitaagesu Asrat ayaa sheegay in qorshaha horumarinta 10-ka sano uu keenayo natiijooyin muuqda oo Itoobiya ka dhigaya tusaale horumarineed oo Afrika ah.
Wuxuu tusaale u soo qaatay guusha mashruuca biya-xisheenka iyo horumarinta marinnada ee in ka badan 80 magaalo, oo muujinaya kobaca degdegga ah ee waaxda dhismaha.
Waxaa la tilmaamay in kobaca warshadaha dhismaha ee Itoobiya uu keenayo isbeddel muuqda oo dhinaca abuurista hantida iyo maamulka ah.
Sidoo kale, xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Talyaaniga ayaa abuuray fursado ay shirkadaha Talyaanigu si firfircoon uga qayb qaataan dhinacyada qalabka dhismaha, mashiinnada iyo maalgashiga kale.
Madashan Itoobiya iyo Talyaaniga ee dhismaha, kaabeyaasha iyo horumarinta magaalooyinka ayaa lagu tilmaamay mid door muhiim ah ka ciyaarayso kor u qaadista iskaashiga labada dal heer sare.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide, Wasiirka Waraabka iyo Dhulka Joogiisu Hooseeyo Abrham Belay, ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga Mariya Tribodi, Danjiraha Talyaaniga ee Itoobiya Sem Fabrisi iyo marti sharaf kale.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital