Taliska Bari ee Ciidanka Difaaca Qaranka wuxuu si heer sare ah u gudanayaa waajibaadkiisa – Lt Jeneraal Maxamed Tasamaa - ENA Af-Soomaali
Taliska Bari ee Ciidanka Difaaca Qaranka wuxuu si heer sare ah u gudanayaa waajibaadkiisa – Lt Jeneraal Maxamed Tasamaa
Addis Ababa, Cuur 16/2018 (ENA):Taliska Bari ee Ciidanka Difaaca Qaranka ayaa si heer sare ah, geesinimo iyo karti leh u fulinaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, sida uu xaqiijiyay Taliyaha guud ee taliskaas, Lt. Jeneraal Maxamed Taseema.
Lt. Jeneraal Maxamed Tasamaa ayaa tilmaamo iyo jihayn ku saabsan hawlgallada socda siiyay taliyeyaasha kala duwan ee taliska, kuwaas oo ay ku jiraan kuwa koomaandooska, cutubyada iyo hoggaannada shaqaalaha (staff).
Jeneraalka ayaa sidoo kale sheegay in ciidanku uu joogo heer uu awood ugu leeyahay inuu ka hortago khataraha dalka ka jira, isla markaana hoggaannadu ay si isku duuban u gudanayaan waajibaadkooda.
Wuxuu intaas ku daray in taliska Bari uu si adkaysi leh u fulinayo waajibaadkiisa qaran iyo kuwa hay’adeed.
Sidoo kale, hawlgallada lagu sugayo sharciga ee ka socda deegaanka Amxaarada ee lagu fashilinayo ujeeddooyinka kooxaha u adeegaya danaha shisheeye ay si xoogan u socdaan.
Ugu dambayn, wuxuu xaqiijiyay in la sii xoojin doono iskaashiga ka dhexeeya ciidamada ammaanka ee deegaanka iyo shacabka, si loo xaqiijiyo nabad waarta oo lagu kalsoonaan karo.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital