Diyaargarowga imtixaanka qaran ee fasalka 12aad auyaa si xooggan u socda - ENA Af-Soomaali
Diyaargarowga imtixaanka qaran ee fasalka 12aad auyaa si xooggan u socda
Addis Ababa, Cuur 15/2018 (ENA): Hay’adda Qiimeynta iyo Imtixaanka Waxbarashada ayaa shaacisay in hawlaha diyaargarowga ee qabashada imtixaanka qaran ee fasalka 12aad ee sanadkan ay si ballaaran u socdaan.
Agaasimaha guud ee hay’adda, Dr. Ishatu Kabadha, ayaa sheegay in diyaarinta imtixaanka la bilaabay hore, isla markaana hadda si buuxda loo dhameystiray dhammaan hawlihii muhiimka ahaa ee la xiriiray.
Wuxuu sidoo kale xusay in diiwaangelintii ardayda imtixaanka galaysa oo socotay muddo bil ah ay maanta, 15-ka Cuur 2018, saacadda 11:30 galabnimo la soo gabagabeynayo.
Ilaa hadda, in ka badan 500,210 arday oo joogto ah ayaa iska diiwaangeliyay imtixaanka, halka 38,905 arday ay iska diiwaangeliyen si ay mar labaad u qaataan imtixaanka iyagoo adeegsanaya internet-ka. Waxa kale oo jira ku dhowaad 7,000 arday oo wali ku jira habka diiwaangelinta.
Maadaama diiwaangelintu maanta ku egyahay, ardayda aan weli is diiwaangelin waxaa lagu booriyay inay ka faa’iideystaan waqtiga haray oo ay is diiwaangeliyaan.
Waxaa kale oo la sheegay in shaqooyinka la xiriira kaabeyaasha iyo agabka lagu qabanayo imtixaanka habka fogaanta ah ay socdaan, isla markaana la abuurayo fursado ardaydu ugu tababaran karaan imtixaanka ka hor inta aan la gaadhin, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha ay khusayso.
Hay’addu waxay adkaysay in imtixaanku noqon doono mid ka nadiif ah wax isdabamarin ah, isla markaana la hubinayo kalsoonidiisa.
Kadib marka diiwaangelintu dhammaato, waxaa la qaban doonaa hawlo ay ka mid yihiin: ogeysiinta goobaha imtixaanka, bixinta kaararka gelitaanka iyo lambarrada aqoonsiga, iyo sidoo kale suurtagalinta in ardaydu ku tababartaan imtixaan tijaabo ah iyagoo adeegsanaya internet-ka.
Intaa waxaa dheer, waxaa la qaban doonaa shaqooyin ku saabsan qorista iyo tababarka dadka kormeeraya imtixaanka iyo khubarada maamuli doonta habsami u socodkiisa.
Ugu dambayn, ardayda waxaa lagu dhiirrigeliyay inay si wanaagsan uga faa’iideystaan waqtigooda, iyagoo adeegsanaya buugaagta iyo teknoolojiyadda si ay si fiican ugu diyaar garoobaan imtixaanka.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital