Cafis ganaaxa Fiisaha ayaa loo sameeyay Itoobiyaanka haysta dhalashada Mareykanka taasoo muujinaysa Diblomaasiyadda Muwaadiniinta-ku-saleysan - ENA Af-Soomaali
Cafis ganaaxa Fiisaha ayaa loo sameeyay Itoobiyaanka haysta dhalashada Mareykanka taasoo muujinaysa Diblomaasiyadda Muwaadiniinta-ku-saleysan
Addis Ababa, Cuur 15/2018 (ENA):Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Itoobiya ayaa sheegtay in cafiska ganaaxa fiisaha ee loo fidiyay dadka asal ahaan Itoobiyaanka ah ee haysta dhalashada Mareykanka uu muujinayo hirgelinta diblomaasiyad diiradda saarta muwaadinka.
Go’aankan wax-ka-beddelka ah ayaa khuseeya dadka Itoobiya asal ahaan ka soo jeeda ee Mareykanka dhalashada ka haysta, kuwaas oo muddadii fiisahooda dhaaftay sababo kala duwan awgeed. Sida uu sheegay ku-xigeenka agaasimaha guud, Inj. Goosaa Dhamise, dadka ka faa’iidaysanaya adeeggan waa inay keenaan caddeyn muujinaysa in hooyo, aabbe, ama midkood uu yahay muwaadin Itoobiyaan ah.
Waxa uu sidoo kale xusay in ay jiraan dad ku sugnaa dalka iyaga oo jebiyay xeerarka socdaalka, isla markaana muddadii oggolaanshaha joogitaankooda ay dhammaatay iyaga oo aan haysan fiiso sharci ah. Si kastaba ha ahaatee, iyadoo lagu saleynayo mabda’a diblomaasiyadda muwaadinka-ku-saleysan, ayaa cafiskan loo sameeyay si loo qadariyo dadka asal ahaan Itoobiyaanka ah.
Marka loo eego go’aanka cusub, dadka ka yar 18 sano ayaa si bilaash ah uga faa’iidaysanaya cafiska, halka kuwa ka weyn 18 sano ay bixinayaan kala bar lacagta ganaaxa si ay ugu laabtaan nidaamka sharciyeysan ee fiisaha.
Hay’addu waxay caddeysay in go’aankani uu yahay mid ku-meel-gaar ah, isla markaana soconaya muddo 60 maalmood ah, laga bilaabo 15-ka Cuur ilaa 15-ka Miicaad 2018 ee taariikhda Itoobiya. Inta muddadan lagu jiro, dadka ay khusayso waxay soo gudbin karaan dukumentiyada loo baahan yahay si ay u helaan adeegga.
Ugu dambayn, waxa uu sheegay in tallaabadan ay xoojinayso xiriirka Itoobiya iyo Mareykanka, isla markaana ka caawin doonto dadka Itoobiya asal ahaan ka soo jeeda inay si fudud ugu sii wataan dhaqdhaqaaqyadooda bulsho iyo dhaqaale iyaga oo sharciyeysan.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital