Musharaxiinta Xisbiga Barwaaqo oo Iska Diiwaangeliyey Goob Doorashada Degmada Hadhagaale.

Addis Ababa; Cuur 5/2017 (ENA): Musharaxiinta Xisbiga Barwaaqo oo Iska Diiwaangeliyey Goob Doorashada Degmada Hadhagaale.

 

Xubno ka mid ah musharaxiinta ka tartamaya goob doorashada degmada Hadhagaale ee gobolka Sitti ayaa si rasmi ah isu diiwaangeliyey, iyagoo qaadanaya kaarka codbixinta. Diiwaangelintani waxay qayb ka tahay diyaar-garowga doorashada 7-aad ee dalka ka dhici doonta sanadkan 2018-ka (taariikhda Itoobiya).

 

Musharaxiintan oo ka tirsan xisbiga Barwaaqo ayaa safafka ka dhex muuqday iyagoo iska diiwaangelinaya islamarkaana qaadanaya kaarka codbixinta.


Musharaxiinta is diiwaangelisay waxaa ka mid ah Xildhibaan Ibraahim Xuseen Khayre iyo Xildhibaan Enginer Abokor Daakir Ducaale.

 

Xubnahan musharaxiinta ah ee isu diiwaangelinaya qaadashada kaarka codbixinta ayaa ka faa’iidaysanaya xuquuqdooda dastuuriga ah ee ah in ay wax doortaan ama la doorto, sida ku cad Qodobka 38-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, kaas oo dammaanad qaadaya in muwaadiniintu ka qayb qaataan doorashooyin xor iyo caddaalad ah oo lagu muujiyo rabitaanka shacabka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015