Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa ka soo laabtay booqasho uu ku tagay Imaaraadka Carabta, wuxuuna si toos ah ugu sii gudbay Arba Minch - ENA Af-Soomaali
Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa ka soo laabtay booqasho uu ku tagay Imaaraadka Carabta, wuxuuna si toos ah ugu sii gudbay Arba Minch
Addis Ababa; Cuur 5/2018 (ENA): Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa ka soo laabtay booqashadiisii Imaaraadka Carabta, wuxuuna si toos ah ugu sii gudbay Arba Minch, sida uu sheegay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
Wuxuu tacsi u diray dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay masiibada ku dhufatay Arba Minch iyo dhammaan Aagga Gamo, wuxuuna sidoo kale sheegay inuu dib u eegi doono dadaallada gargaarka ee socda.
Xafiiska ayaa farriin ku sheegay in daadadka iyo dhul-go'a ka dhacay aagga ka dib maalmo roobaad culus ay galaafteen nolosha muwaadiniinteenna, burburiyeenna hantidii.