Saaxiibtinimo xooggan, iskaashi ku salaysan kalsooni! - ENA Af-Soomaali
Saaxiibtinimo xooggan, iskaashi ku salaysan kalsooni!
Intii aan ku guda jiray booqashadayda shaqo ee Imaaraadka Carabta, waxaan la kulmay oo aan kala hadlay Madaxweyna haybada leh Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.
Dooddayadu waxay diiradda saareysay xoojinta saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhaxaysa Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta; xoojinta iskaashiga iyo xasilloonida gobolka. Aad baan uga mahadcelinayaa soo dhawaynta diirran ee aan helay iyo ballanqaadka xooggan ee aan wadaagnay si aan u sii xoojinno saaxiibtinimada xooggan ee ka dhaxaysa waddamadeenna.
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)