War-saxaafadeed ku saabsan khasaaraha ka dhashay musiibada dhul-go’a ee Degmada Gaajo Baba ee Gobalka Gaamo - ENA Af-Soomaali
War-saxaafadeed ku saabsan khasaaraha ka dhashay musiibada dhul-go’a ee Degmada Gaajo Baba ee Gobalka Gaamo
Adeegga Isgaarsiinta Dowladda ayaa diray tacsi tiiraanyo leh oo ku saabsan khasaaraha naf iyo barakac ee ka dhashay musiibada dhul-go’a ee ka dhacday tuulada Laka, Degmada Gaajo Baba, Gobalka Gaamo ee Deegaanka Koonfurta Itoobiya, taas oo dhacday 1-da Cuur 2018 T.I. kadib roobab culus oo da’ay.
Musiibadan naxdinta leh waxaa la xaqiijiyay in 52 qof ay ku geeriyoodeen. Dowladda ayaa tacsi u dirtay qoysaska iyo ehelada dadka dhintay, dadka ku nool Gobalka Gaamo, iyo guud ahaan shacabka Deegaanka Koonfurta Itoobiya, iyadoo u rajeysay samir iyo iimaan.
Adeeggu wuxuu sheegay in hoggaaminta sare ee dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka ay hadda ku sugan yihiin goobta musiibadu ka dhacday, halkaas oo ay si dhow ula socdaan hawlaha gargaar iyo tacsi u fidinta dadka dhibaatadu gaartay.
Waxaa sidoo kale la sheegay in dadka ka barakicay guryahooda ay si degdeg ah u heli doonaan agabka aasaasiga ah iyo raashin, iyadoo maamulka deegaanku uu si wadajir ah ula shaqeynayo Komishinka Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee Federaalka si loo fuliyo hawlo gargaar oo ballaaran.
Dowladdu waxay caddeysay in aysan ku ekaan doonin oo keliya bixinta gargaar ku-meel-gaar ah, balse ay si gaar ah diiradda u saari doonto dib-u-dejinta iyo soo celinta nolosha caadiga ah ee dadka ay musiibadu saameysay, si loo helo xal waara.
Sidoo kale, si looga hortago khasaare naf iyo hanti oo dheeraad ah, waxaa la bilaabay hawlo lagu rarayo dadka ku nool meelaha khatarta leh loona rarayo goobo ammaan ah, iyadoo hawshan lagu wado isku-duwid iyo feejignaan.
Maaddaama roobabku weli socdaan oo ay sababi karaan musiibooyin la mid ah, dowladda ayaa ugu baaqday gaar ahaan dadka ku nool dhulka buuraleyda ah ama meelaha u nugul dhul-go’a inay si taxaddar leh u raacaan fariimaha digniinta iyo tilmaamaha ay dowladdu bixiso.
Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Itoobiya waxay sheegtay inay sii xoojin doonto wada-shaqeynta ay la leedahay maamulka gobolka iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso si dib loogu soo celiyo nolosha dadka ay musiibadu saameysay. Dowladda ayaa u rajeysay naxariis dadka geeriyooday, halka qoysaskoodana ay u rajeysay samir iyo iimaan.
Adeegga Isgaarsiinta Dowladda.