Shacabka Degmada Qabridahar ee Gobolka Qoraxey ayaa si weyn isugu soo baxay qaadashada laarka codbixiyeyaasha oo maanta ai rasmi ah u bilowday - ENA Af-Soomaali
Shacabka Degmada Qabridahar ee Gobolka Qoraxey ayaa si weyn isugu soo baxay qaadashada laarka codbixiyeyaasha oo maanta ai rasmi ah u bilowday
Addis Ababa, Cirir 28/2018 (ENA): Guud ahaan degmada Qabridahar ayaa si rasmi ah ay uga bilaabatay qaadashada kaarka codbixiyeyaasha ee doorashada 7-aad ee qaranka, taas oo dhawaan ka qabsoomi doonta dalka.
Tallaabadan ayaa ah mid muujinaysa sida ay bulshada uga go’an tahay ka-qaybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Saaka aroortii hore ayaa bulshada ku dhaqan tuulooyinka degmada
Qabridahar si wanaagsan ugu dareereen goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, iyagoo qaadanaya kaarka codbixinta oo ah xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin muwaadiniintu.
Maxamuud Yuusuf, Gudoomiyaha Degmada Qabridaharayaa kamid ahaa shacabkii saaka qaatay kaarka codbixinta.
Doorashadan 7-aad ee qaranka ayaa shacabka siinaysa fursad muhiim ah oo ay ku doortaan xubnihii matali-lahaa , isla markaana lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo ka-qaybgalka bulshada ee dalka. Sidoo kale, doorashadu waxay laf-dhabar u tahay xoojinta nabadda, horumarinta dowlad-wanaagga iyo in codka muwaadinku noqdo mid door muuqda ku leh go’aamada masiiriga ah ee mustaqbalka dalka.
Ka-qaybgalka firfircoon ee shacabka ee diiwaangelinta iyo codbixinta ayaa ah tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo doorasho xor ah, hufan oo xalaal ah, taas oo horseedi karta mustaqbal ifaya oo ku dhisan wadajir, dimuqraadiyad iyo horumar waara.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital