Safaaradda Japan iyo AD-HORN ayaa kala saxiixday heshiiska Dhismaha Mashruuca Suuqa Khudaarta oo laga hirgalinayo magaalada Godey

Addis Ababa, Cirir 28/2018 (ENA): Waxaa si rasmi ah loo kala saxiixday heshiiska Mashruuca Dhismaha Suuqa Khudaarta Godey ee Dowladd Deegaanka Soomaalida, kaas oo ay kala saxeexdeen Hay’adda Association Develop Horn (AD HORN) iyo Safaaradda Japan ee Itoobiya. 

Heshiiskan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo kaabayaasha ganacsiga deegaanka ee beeraha iyo taageeridda ganacsatada yar-yar ee , gaar ahaan haweenka ku tiirsan ka ganacsiga khudaarta maalinlaha ah.

Heshiiska waxaa kala saxiixday Cabdulaahi Suldaan Cali, Maareeyaha Hay’adda Association Develop Horn (AD HORN), iyo Safiirka Japan u fadhiya Itoobiya, Danjire Shibata Hironori. 

Labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay hirgelinta mashruucan, kaas oo lagu dhisayo suuq casri ah oo leh qeybaha iibka, keydka khudaarta, goobaha nadaafadda. Mashruuca ayaana isku xidhi doona beeralayda iyo ganacsatada, isagoo meesha ka saaraya dilaaliinta qaaliyaynaysa maciishada iyo wax soo saarka beeraha.


 

Mashruuca ayaa sidoo kale diiradda saaraya yareynta khasaaraha dalagga ka dib goosashada, kor u qaadida habsami u socodka ganacsiga, iyo abuurista jawi ganacsi oo nidaamsan oo waafaqsan shuruucda deegaanka iyo kan dalka.

Mashruucan ayaa la filayaa inay ku baxdo 9.4 milyan oo Birr, iyadoo uu qorshuhu yahay in mashruuca lagu hirgaliyo muddo sanad ah. 

Mas’uuliyiinta AD HORN ayaa tilmaamay in mashruucan uu muhiimad weyn u leeyahay kobcinta dhaqaalaha beeralayda iyo ganacsatada wax soo saarka beeraha Godey iyo guud ahaan horumarinta adeegyada suuqyada waxsoosaarka ee deegaanka Soomaalida. 

Mashruuca ayaa ka kooban suuqaq ganacsi oo lagu iibin doono khudaarta kala duwan, iyadoo ay maalgalinayso dowladda Japan. 

Waxaa la rajaynayaa in suuqa cusub uu u abuuro fursado shaqo 100 qof gaar ahaan haweenka , isla markaana uu sare u qaado waxsoosaarka iyo helitaanka khudaarta tayada leh ee inkabadan 20,000 oo bulshada aagaas ah.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay si dhow ula socon doonaan heerka dhismaha, hubinta tayada shaqada, iyo ka qaybgalka bulshada si mashruucu u noqdo mid guuleysta isla markaana saameyn muuqata ku yeesha horumarka deegaanka.

Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid ka turjumaya iskaashiga wax ku oolka ah ee ka dhexeeya hay’adda AD HORN iyo dowladda Japan, taas oo ujeedadeedu tahay in la taageero horumar waara oo ka dhaca heer bulsho iyo dhaqaaleba.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital

Wakaalada Warka Itoobiya
2015