Xisbiga JWXO ayaa magaalada Jigjiga ku shaaciyay astaantiisa doorashada iyo musharixiintiisa

Addis Ababa, Cirir 26/2018 (ENA): Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya (JWXO) ayaa magaalada Jigjiga ku qabtay munaasabad ballaaran oo ay si rasmi ah ugu soo bandhigeen astaanta uu xisbigu kaga qaybgalayo doorashada guud ee toddobaad ee dalka.

Munaasabaddan oo ay ka soo qayb galeen hoggaanka sare ee xisbiga, xubnaha ONLF, taageerayaal iyo marti sharaf kale ayaa lagu soo bandhigay astaanta rasmiga ah ee xisbiga ee doorashada, taas oo ah “Buug iyo Qalin.” Hoggaanka xisbigu ayaa sheegay in astaantan ay astaan u tahay aqoon, wacyigelin siyaasadeed iyo horumar ku dhisan fikir iyo waxbarasho.

Masuuliyiinta xisbiga ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimada ay leedahay ka qaybgalka doorashooyinka si loo xoojiyo nidaamka dimuqraadiyadda iyo matalaadda shacabka. Waxay tilmaameen in JWXO ay diyaar u tahay inay door weyn ka qaadato geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

Intii ay socotay munaasabadda ayaa sidoo kale la gudoonsiiyay musharixiinta xisbiga shahaadooyinka musharaxnimada, taas oo si rasmi ah u xaqiijinaysa inay u tartami doonaan kuraasta kala duwan ee baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka ee doorashada soo socota.

Xisbiga JWXO ayaa sheegay in musharixiintiisu ay u tartami doonaan si ay u matalaan danaha bulshada, isla markaana ay uga shaqeeyaan horumarka, nabadgalyada iyo maamul wanaaga. 

Munaasabadda ayaa ku soo dhammaatay baaq ku aaddan in taageerayaasha xisbiga iyo shacabka ay si firfircoon uga qayb qaataan doorashada iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital

Wakaalada Warka Itoobiya
2015