Ka qaybgalka firfircoon ee muwaadiniinta ayaa muhiim u ah guusha doorashada qaran ee 7-aad — Meelatwerq Haylu, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Addis Ababa; Cirir 26/2018 (ENA):- Ka qaybgalka firfircoon ee muwaadiniinta ayaa muhiim u ah guusha doorashada guud ee toddobaad, ayay tiri Melatwerq Haylu, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa soo qabanqaabiyay barnaamij lagu shaacinayo Heesta rasmiga ah ee Doorashada Qarana ee 7-aad, taas oo cinwaankeedu yahay "Mirjaachin Naw - Yaalanya Hager".

Guddoomiyaha Guddiga ayaa sheegtay in doorashadu ay noqon doonto mid lagu guuleystay marka muwaadiniintu ay si firfircoon uga qaybqaataan, isu diiwaangeliyaan oo ay codkooda dhiibtaan.

Waxay sheegtay in laga shaqeynayo hawlo kala duwan, oo ay ku jiraan wacyigelinta codbixiyayaasha, si loo dhiirrigeliyo ka qaybgalka muwaadiniinta ee doorashada.


Waxay xustay in shaqooyinka fanku ay leeyihiin awood weyn oo lagu wacyigeliyo laguna dhiirrigeliyo muwaadiniinta, islamarkaana in heestan loogu talagalay inay farriinta si fudud u gaarsiiso muwaadiniinta.

Sida ku cad jadwalka Guddiga Doorashooyinka Qaranka, diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa bilaaban doonta Sabtida soo socota, Cirir 28, 2018 T.i.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015