Waxa dhisi kara isla markaana adkeyn kara Itoobiya waa rabitaanka iyo fikirka mideysan ee muwaadiniinteeda. - ENA Af-Soomaali
Waxa dhisi kara isla markaana adkeyn kara Itoobiya waa rabitaanka iyo fikirka mideysan ee muwaadiniinteeda.
Addis Ababa; Cirir 25/2018 (ENA): Madaxa Waaxda Dhismaha Dhaqanka Dimuqraadiyadda ee Xisbiga Barwaaqo, Mudane Malasa Alamu, oo waraysi siiyay WWI ayaa sheegay in waxa dhisaya isla markaana adkeynaya Itoobiya ay tahay rabitaanka iyo fikirka mideysan ee muwaadiniinteeda. Wuxuu caddeeyay in aragtida xisbigu ay ku dhisan tahay in talada la wadaago ay tahay jidka ugu habboon ee lagu xallin karo kala aragti duwanaanta taagan.
Waxa uu sidoo kale xusay in xisbigu sii xoojin doono ka qeybgalka togan ee uu ku leeyahay geeddi socodka wadatashiga qaran. Sida uu sheegay, wadatashigu waa mid ka baxsan dano gaar ah, islamarkaana uu yahay arrin qaran oo ay wada leeyihiin dhammaan Itoobiyaanku.
Komishinka Wadatashiga Qaran ee Itoobiya ayaa lagu aas aasay Xeer Lr. 1265/2014, si looga wada hadlo looguna xalliyo khilaafaadka salka ku haya arrimaha qaran, loona abuuro is afgarad guud oo dhex mara bulshada. Komishinku wuxuu qabanqaabiyaa madallo wadatashi oo loo dhan yahay, kuwaas oo lagu soo bandhigo talooyin ka qeyb qaata nabad waarta iyo dhismaha nidaam dimuqraadi ah oo xooggan.
Sanadadii la soo dhaafay, komishinku wuxuu qabtay shaqo ballaaran oo ku saabsan kala xulista wakiillada iyo ururinta ajandayaasha, isagoo ka howl galay dhammaan deegaannada dalka, labada maamul magaalo, iyo sidoo kale Itoobiyaanka ku nool dibadda.
Mudane Malasa Alamu ayaa sheegay in xisbigu aaminsan yahay in wadatashigu kaalin muhiim ah ka qaadanayo dhismaha Itoobiya oo noqota dal xooggan. Wuxuu xusay in xisbiga talada haya uu durba door muuqda ka qaatay geeddi socodka, isla markaana uu sii wadi doono dadaallada lagu abuurayo jawi ku habboon guusha wadatashiga.
Wuxuu intaas ku daray in dheereynta muddada wadatashiga oo gaareysa sideed bilood ay fursad siinayso komishinka si uu shaqadiisa ugu dhameystiro si tayo leh.
Ugu dambeyn, xisbigu wuxuu xaqiijiyay inuu mar walba diyaar u yahay inuu abuuro duruufo sahlaaya in Itoobiya gaarto heer sare oo is afgarad iyo midnimo ah, taas oo faa’iido weyn u leh jiilasha soo socda.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital