Waxqabadyo miro-dhal ah oo xaqiijinaya ka faa’iidaysiga dhammaystiran ee haweenka ayaa la fuliyay

Addis Ababa, Cirir 24/2018 (ENA): Dowladda ayaa fulisay tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo in haweenku si buuxda uga faa’iidaystaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada, sida uu sheegay Aadan Faarax oo ah ku-xigeenka ra’iisul wasaaraha, ahna madaxa xarunta isku-dubaridka dhismaha nidaamka dimuqraadiyadda, ahna madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo.

 

Wasaarada Nabadda ayaa iyada oo kaashanaysa ururrada haweenka wadda barnaamij qaran oo dhaqdhaqaaq ah oo halkudhiggiisu yahay “Itoobiya adkaysi leh oo barwaaqo ah oo ka dhalatay ka qaybgalka haweenka.”

 

Aadan Faarax ayaa sheegay in dowladdu aaminsan tahay in horumarka guud ee dalka lagu xaqiijin karo marka haweenka laga dhigo udub-dhexaadka hawlaha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho.

 

Wuxuu xusay in dowladdu ka shaqaynayso hagaajinta caqabadaha ka jira dhinacyadaas si loo xaqiijiyo ka faa’iidaysiga buuxa ee haweenka.

 

Isagoo ka hadlayay ka qaybgalka siyaasadeed iyo matalaadda haweenka, ayuu sheegay in la fahmay in hoggaaminta haweenku ay saldhig adag u tahay dhismaha qaranimada iyo is-afgaradka waara. Wuxuu tilmaamay in 50 boqolkiiba xubnaha golaha wasiirrada federaalka ay haween yihiin, taas oo keentay aqoonsi caalami ah, isla markaana dadaallada lagu xoojinayo hoggaaminta haweenka ay sii socon doonaan.


Dhanka dhaqaalaha, wuxuu sheegay in si loo saxo farqiga jira ay muhiim tahay in haweenka laga dhigo tiir dhaqaale iyo matoor wax-soo-saar. Wuxuu caddeeyay in in ka badan 6.6 milyan oo haween ah ay heleen shahaadooyin xaqiijinaya lahaanshaha dhulka.

 

Wuxuu sidoo kale xusay in barnaamijyo horumarineed oo kala duwan lagu hubiyay in haweenku noqdaan ka faa’iidaystayaasha ugu horreeya, taas oo ka dhigtay inay noqdaan saldhigga wax-soo-saarka qaranka.

 

Marka la eego caddaaladda bulsho, wuxuu sheegay in la fuliyay hawlo lagu xaqiijinayo sinnaanta iyo caddaaladda bulshada. Wuxuu tilmaamay in dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo ilaalinta bulshada ay haween badan ka faa’iidaysteen isbeddellada la sameeyay.

 

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda ay aaminsan tahay in doorka hormuudka ah ee haweenku uu yahay tiirka lagu gaari karo Itoobiya tusaale u noqota dalalka kale iyo barwaaqo waarta. Wuxuu xaqiijiyay in dadaallada lagu dhisayo dimuqraadiyad bisil iyo xaqiijinta ka qaybgalka iyo ka faa’iidaysiga haweenka ay sii xoogeysan doonaan.


Dhankiisa, Wasiirka Nabadda, Maxamed Idiris, ayaa sheegay in nabaddu ay tahay saldhigga jiritaanka aadanaha, isla markaana bulsho nabdoon ay muujinayso heer akhlaaqeed sare.

 

Wuxuu xusay in nabad dhammaystiran lagu gaari karo wada-shaqayn dhammaan dhinacyada ah, isla markaana ka qaybgalka haweenku uu yahay arrin lama huraan ah. Wuxuu intaas ku daray in marka laga soo tago doorkooda nabadda bulshada, haweenku ay sidoo kale door muhiim ah ka qaataan dadaallada lagu kobcinayo jiilal u taagan nabadda.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015