Ciidanku wuxuu ficil ahaan u muujinayaa inuu garab taagan yahay shacabka

Lume, Cirir 2/2018 (ENA):- Wasiirka Gaashaandhigga, Injineer Caasha Maxamed, ayaa sheegtay in Ciidanka Difaaca Qaranku ay si dhab ah u muujinayaan garab istaaggooda shacabka.

 

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa guryo casri ah oo ay ka dhistay degmada Lume ee Bariga Shawaa ku wareejisay qoysas danyar ah, beeraley iyo qoysaska ciidamada.

 

Intii lagu guda jiray munaasabadda wareejinta, Inj. Caasha waxay sheegtay in adeegga tabrucaadk uu dalka ka abuuray dhaqan shaqo oo cusub.

 

Waxay xustay in wareejinta guryahani ay si wax ku ool ah u muujinayso mabda’a iskaashi iyo gaarsiinta adeegyada dadka nugul, isla markaana ay caddeyn u tahay sida ciidanku u garab taagan yahay shacabka.

 

Waxay intaas ku dartay in Ciidanka Difaaca Qaranku iyagoo gudanaya waajibaadkooda ilaalinta qaranka ay sidoo kale hormuud ka yihiin howlaha horumarinta, taasoo muujinaysa kaalintooda sharafta leh.


Dhankeeda, Wasiirka Caddaaladda, Hanna Ar'aayasilaase, ayaa sheegtay in dhismaha guryahan ay tahay arrin farxad weyn leh.

 

Waxay xasuusisay in barnaamijka horumarinta isku xirka miyiga oo uu hindisay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu ujeeddadiisu tahay in horumarrada ballaaran ee magaalooyinka ka bilaabmay la gaarsiiyo bulshada ku nool miyiga.

 

Waxay tilmaantay in guryaha loo dhisay si heer sare ah, isla markaana ay u oggolaanayaan qoysaska inay ka shaqeeyaan beero yar-yar oo ay ku beeri karaan khudaar, moos, afokaadho iyo dalagyo kale oo dakhli u noqon kara.

 

Gudoomiyaha Bariga Shawaa, Ababu Waaqoo, ayaa sheegay in marka laga soo tago dadaalka ciidanku ku xaqiijinayaan nabadda, ay sidoo kale dhiseen 65 guri oo ay ku wareejiyeen qoysas u baahan.

 

Wuxuu intaas ku daray in maamulka deegaanku qorsheynayo in tuuladan tusaalaha ah lagu ballaariyo lix tuulo oo kale, si beeraleydu hal meel ugu wada noolaadaan ugana helaan adeegyada biyaha, korontada, caafimaadka, waxbarashada iyo waddooyinka meel u dhow.


Guryahan ayaa loo qoondeeyay beeraley danyar ah, qoysaska geesiyaal u huray naftooda jiritaanka dalka, iyo qoysaska ciidamada amniga ee ku naf waayay iyagoo ilaalinaya nabadda deegaanka.

 

Mid ka mid ah ka faa’iidaystayaasha, Marwo Abiyot Faqadha, ayaa sheegtay inay hore afar carruur ah ugula noolaan jirtay guri kiro ah, balse hadda ay aad ugu faraxsan tahay in dowladda u aragtay dhibtooda oo ay siisay guri casri ah oo leh adeegyo aasaasi ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015