Horumarro bulshadu ay ka faa’iideesatay ayaa laga hirgeliyay sannadadii Isbeddelka ee Gobalka Shabeelle, Maamulada Godey iyo Dhagaxbuur

Addis Ababa, Cirir 24/2018 (ENA): Sannadadii isbeddelka dalka, waxaa laga fuliyay deegaanka Aagga Gobalka Shabeelle iyo magaalooyinka Godey iyo Dhagaxbuur mashaariic horumarineed oo kala duwan kuwaas oo si toos ah uga faa’iideen bulshada. Inkastoo Deegaanka Soomaalida uu hodan ku yahay khayraad dabiici ah iyo awood horumarineed oo ballaaran, haddana muddo tobannaan sano ah ma helin waxqabad iyo horumar ku filan.

 

Si kastaba ha ahaatee, sannadadii u dambeeyay waxaa si xooggan loo dardargeliyay dhaqdhaqaaqyada horumarineed si loo xaqiijiyo in bulshada deegaanka ay ka faa’iideyso horumarka dhinacyada kala duwan. Shaqooyinkii la bilaabay muddadaas ayaa weli si xogan u socda, iyadoo la rumeysan yahay inay kaalin muuqata ka qaadanayaan kobaca guud ee dalka.

 

Maamulka Gobalka Shabeelle ayaa sheegay in si gaar ah loo ballaariyay dhismaha waddooyinka miyiga iyo magaalooyinka, taasoo fududeysay isu socodka iyo suuq-geynta wax-soo-saarka beeraha ee gudaha iyo dalalka dariska ah. Sidoo kale, qodista ceelal dhaadheer iyo mashaariic kale oo biyo gelin ah oo laga hirgeliyay hareeraha Wabiga Shabeelle ayaa sare u qaaday wax-soo-saarka beeraleyda.


Dhanka warshadaha, waxaa socda diyaar garow lagu furayo warshado kala duwan si loo kobciyo dhaqaalaha loona abuuro shaqooyin. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in qaar ka mid ah degmooyinka ay heleen adeeg koronto oo 24 saacadood ah, isla markaana la ballaariyay adeegyada isgaarsiinta.

 

Duqa magaalada Godey ayaa sheegay in magaalada laga hirgeliyay mashruuc weyn oo biyo ah, kaasoo wax weyn ka beddelay nolosha shacabka. Waxaa kale oo la dhisay 16 kiiloomitir oo waddo laami ah, halka waddooyin kale oo ay 80 boqolkiiba marayaan lana filayo in saddexda bilood ee soo socota la soo gabagabeeyo. 

 

Mashaariicdan ayaa ka sokow horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga, abuuray fursado shaqo.

 

Dhanka Dhagaxbuur, maamulka magaalada ayaa sheegay in nabadda ka jirta deegaanka ay sahashay in mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah la hirgeliyo. Waxay xuseen in nabaddu ay bulshada u sahashay ka qaybgalka horumarka, isla markaana magaalada laga dareemayo koboc muuqda.

 

Qaar ka mid ah shacabka ku nool Godey iyo Qabridahare ayaa iyaguna caddeeyay in mashaariicda ka hirgalay deegaanka ay si weyn ugu faa’iideeyeen bulshada, gaar ahaan dhismaha waddooyinka iyo kaabeyaasha kale ee muhiimka ah.

 

Waxaa sidoo kale la tilmaamay in booqashooyinka mas’uuliyiinta federaalka, oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ay kaalin ka qaateen dardargelinta horumarka deegaanka. 

 

Ugu dambayntii, mashaariicda waaweyn ee dhawaan la bilaabay ayaa la sheegay inay faa’iido muuqata u yeelan doonaan deegaanka iyo guud ahaan dalka.

 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015