Ismaamulka Dir-dhabe ayaa si weyn ugu dabaaldegay sannad-guuradii 130-aad ee Guusha Adhwa. - ENA Af-Soomaali
Ismaamulka Dir-dhabe ayaa si weyn ugu dabaaldegay sannad-guuradii 130-aad ee Guusha Adhwa.
Addis Ababa; Cirir 22/2018 (ENA): Ismaamulka Dir-dhabe ayaa si weyn ugu dabaaldegay sannad-guuradii 130-aad ee Guusha Adhwa, iyadoo halku-dhiggu ahaa: “Taariikh Sharaf Leh ilaa Mustaqbal Iftiin Leh!”
Xuskan ayaa lagu qabtay Fagaaraha Lagarka, halkaas oo lagu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo si heer sare ah loo agaasimay.
Munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay Duqa Ismaamulka Dir-Dhabbe, Mudane Kedir Juhar; Ku-xigeenka Duqa, Mudane Harbi Buh; Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Ismaamulka Dir-Dhabe, Mudane Ibrahim Yusuf; xubno ka tirsan golaha kaabineedka, hoggaamiyeyaasha heerarka kala duwan ee ismaamulka,saraakiisha iyo ciidamada amniga, marti-sharaf la casuumay, culimada diin, odayaasha dhaqanka,iyo sidoo kale tiro badan oo ka mid ah shacabka ku nool Ismaamulka Dir-dhabe.
Xuskan ayaa muujinaya qiimaha iyo maqaamka ay Guushii Adwa ku leedahay taariikhda, midnimada, iyo wadajirka shacabka.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
#WWI
#ENA