Guusha Adhwa Waxay Itoobiyaanka u horseeday Midnimo, Madaxbannaani iyo Dib-u-soo-nooleyn. — Mudane Mustafe Muxumed Cumar, Madaxweynaha DDS - ENA Af-Soomaali
Guusha Adhwa Waxay Itoobiyaanka u horseeday Midnimo, Madaxbannaani iyo Dib-u-soo-nooleyn. — Mudane Mustafe Muxumed Cumar, Madaxweynaha DDS
Addis Ababa; Cirir 22 /2018 (ENA): Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa ka qaybgalay dood-wadaag ujeedkiisu ahaa “Dardaarankii Adwa” oo halku-dhig looga dhigay: “Midnimo, Madaxbannaani iyo Dib-u-soo-nooleyn,” taas oo ka qabsoontay madasha kulammada ee Kuliyadda Maareynta iyo Adeegga Shacabka DDS.
Guushii Adwa waxa ay ka turjumaysay midnimo, geesinimo iyo waddaniyad, isla markaana waxa uu noqday astaan dhiirrigelisay halgannadii xornimo-doonka ee qaaradda Afrika.
Madaxweynaha oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in guusha Adwa ay tahay mid ay ku faanaan guud ahaan bulshada madowga ah, maadaama ay ahayd guushii ugu horreysay ee dad madow ahi ka gaadhaan quwad gumeysi oo reer Galbeed ah.
Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin, ciidamada qaranka, kuwa deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
#WWI