Taariikhda Guusha Adhwa weli ruuxdeedu waa adkaysi — Maayarka Addis Ababa Adhaanej Abebee

Addis Ababa; Cirir 22/2018 (ENA): Maayarka Magaalada Addis Ababa, Marwo Adanej Abebe, ayaa sheegtay in taariikhda Adwa ay ilaa maanta ka tarjumayso ruux adkaysi iyo go’aan adag.

 

Farriin ay ku daabacday boggeeda baraha bulshada, ayay ku sheegtay in xuska 130-guurada Guusha Adwa lagu maamuusay dood-wadaag lala yeeshay dhallinyarada magaalada, laguna qabtay Hoolka Xusuusta Guusha Adwa oo loo dhisay si habboon oo lagu xuso halgankii iyo geesinimadii halyeeyadeenna.

 

Iyada oo halku-dhiggu yahay “Taariikh Sharaf leh ilaa Mustaqbal Iftiin leh,” ayay sheegtay in sannadkan xuska Guusha Adhwa si ballaaran looga dabaaldegayo guud ahaan magaalada, iyadoo la xusuusanayo taariikhda sharafta leh ee dhiig iyo laf lagu bixiyay, taas oo iftiin guul u noqotay dadka madow iyo dhammaan dadyowgii ku jiray gumeystaha.

 

Waxay tilmaantay in casharka ugu weyn ee laga baranayo Guusha Adwa uu yahay midnimo, adkaysi, geesinimo iyo guul. Inkastoo waagaas ay jireen kala aragti duwanaansho, haddana markii dalka la taabtay, dadku waxay noqdeen “hal qalbi iyo hal cod,” iyagoo si midaysan uga adkaaday cadowgii soo duulay.


Maayarku waxay sheegtay in jiilkan maanta jooga, si uu u dhiso taariikh cusub oo ka gudubta jiilasha, uu ku hubaysan yahay ruuxii Adwa, isla markaana ay ku guuleysteen inay jebiyaan fikirka “ma suurtaggal ahan,” iyagoo hirgeliyay mashaariic waaweyn sida dhismaha Biyo-xireenka Weyn ee Itpobiya, Barnaamijka Cagaaran horumarinta wax-soo-saarka qamadiga iyo isbeddelka magaalooyinka kuwaas oo ay ku tilmaantay “Guulo Adhwa oo cusub.”

 

Waxay sidoo kale sheegtay in doodda maanta ay ahayd madal ay dhallinyaradu ku muujiyeen go’aankooda, midnimadooda iyo jacaylkooda waddaniyadeed si ay u xaqiijiyaan safarka barwaaqada Itoobiya, iyagoo dhaxlay taariikhda iyo geesinimada halyeeyadii hore.

 

Ugu dambayn, Maayarka Magaalada Adhanej Abebe waxay xustay in dhallinyaradu sii xoojin doonaan midnimada ay ka dhaxleen Guusha Adwa, isla markaana ay door firfircoon ka qaadan doonaan xaqiijinta madaxbannaanida dhaqaale, ilaalinta nabadda, iyo raadinta xal caddaalad ah oo ku saabsan arrimaha marin-badeedka.

 

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya 

#ENA

Wakaalada Warka Itoobiya
2015