Raysal wasaare Abiy Axmed (Dr.) Ayaa Booqasho Rasmi ah Ku Tagay Azarbayjaan - ENA Af-Soomaali
Raysal wasaare Abiy Axmed (Dr.) Ayaa Booqasho Rasmi ah Ku Tagay Azarbayjaan
Xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Azerbayjaan ayaa sannadahan danbe sii xoogeysanaya, taasoo ah tilmaan cad oo muujinaysa iskaashiga diblomaasiyadeed ee xooggan ee sii xoogsanaya. Ka dib markii dhawaan uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyey labada dal, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Jamhuuriyadda Azerbayjan.
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, oo ay wehelinayso Marwada Koowaad Zinash Taayajaw iyo wafdi heer sare ah, ayaa saaka gaaray Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Baku Heydar Aliyev. Booqashadan ayaa la filayaa inay xiriirka labada dal u qaaddo heer sare.