Geedigga Guusha Itoobiya… - ENA Af-Soomaali
Geedigga Guusha Itoobiya…
Diyaarinta: Muuse Malasa
Turjumida: Cabdifataax Cabdiraxmaan
Guulaha ay Itoobiya ka diiwaangelinayso qaybaha kala duwan ayaa lagu soo qaadanayaa tusaale ahaan fagaarayaasha caalamka. Itoobiya shanta tiir ee ugu waaweyn dhaqaalaheeda, ayaa kala ah beeraha, warshadaha, macdanta, dalxiiska iyo tiknoolajiyadda, iyadoo ka diiwaangelinaysa horumarro la taaban karo. Waxaan faahfaahin doonaa soona bandhigaynaa guulaha laga gaaray qaybahaas.
- Guusha Wax-soo-saarka Qamadiga
Itoobiya dhinaca beeraha, gaar ahaan barnaamijka “Dalag iyo Daryeel” iyo horumarinta qamadiga, waxay ka gaartay guulo wax-soo-saar oo heer sare ah. Sida ay xoguhu muujinayaan, hore dalka wuxuu ku bixin jiray lacag qalaad oo badan si uu qamadi uga soo dejiyo dibadda.
Si kastaba ha ahaatee, wixii ka dambeeyay isbeddelkii, gaar ahaan wqxaa diiradda la saaray horumarinta qamadiga, adeegsiga casriyaynta beeraha iyadoo suurta gelisay in wax-soo-saarka si weyn loo kordhiyo. Taas awgeed, marka laga reebo daboolidda baahida gudaha, dalka wuxuu hadda billaabay inuu qamadi u suuq geeyo dibadda. Guushan wax-soo-saarka ayaa sidoo kale aqoonsi ka heshay hay’ado caalami ah.
Kordhinta wax-soo-saarka qamadiga waxaa sabab u ah adeegsiga nidaamyada waraabka casriga ah, habka Beerashada Kooxda, farsamooyinka casriyaynta beeraha iyo hindisayaasha beeraha ee kala duwan.
Iyadoo arrintan laga duulayo, Komishaneerka Komishinka Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Dhaqaalaha Buluuga ah iyo Deegaanka ee Midowga Afrika, Mooses Filakati, ayaa sheegay in wax-soo-saarka qamadiga Itoobiya uu tusaale u yahay Afrika. Wuxuu xusay in isbeddelka degdegga ah ee ay Itoobiya ku gaartay horumarinta qamadiga muddo gaaban uu abuuray dhiirrigelin balaadhan.
Iyadoo laga duulayo waxqabadka Itoobiya, waxaa sidoo kale lagu taliyay in dalalka Afrika ay ku daydaan oo hirgeliyaan khibraddaas.
Sidoo kale, sanadkii 2016 T.I., Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa la guddoonsiiyay billadd sharafta ay bixiso hay'adda FAO ee Beeraha iyo Cuntada ee QM.
Abaalmarintan waxaa lagu maamuusay dadaalka uu muujiyay dhanka sugnaanta cuntada iyo hubinta helitaanka cunto ku filan, iyo sidoo kale xalalka hal-abuurka leh ee laga gaaray isku filnaanshaha qamadiga, inkastoo ay jireen duruufo deegaan oo adag, degdeg ah oo isbeddelaya.
Guusha wax-soo-saarka qamadiga Itoobiya waa muujinta kacaan beereed, iyadoo bartilmaameedku yahay isku filnaansho iyo in dalku uu noqdo mid wax ku biiriya Afrika.
- Guulaha Diblomaasiyadda
Itoobiya, ayaa ka soo muuqata doorka dhismaha nabadda, xalinta khilaafaadka iyo iskaashiga caalamiga ah, waxay muujineysaa horumar muuqda oo dhinaca diblomaasiyadda ah. Dalka Itoobiya ayaa dhawaanahan si aad ah looga arkaa madasha caalamiga ah iyada oo ku dadaalaysa ilaalinta nabadda, horumarinta deegaanka, iyo arrimaha kale ee muhiimka ah.
Madaxda caalamka sida Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ee Turkiga, Ra’iisul Wasaare Naareendra Moodi ee Hindiya, Madaxweyne Williyam Ruuto ee Kenya, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi, Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Kristofer Landau, Madaxweynaha Israa’iil Isaaq Hersog iyo saraakiil kale oo caalami ah ayaa dhawaan booqasho ku yimid Itoobiya, taasoo muujinaysa muhiimadda istiraatiijiyadeed ee dalka iyo horumarka diblomaasiyadeed ee la taaban karo.
Itoobiya waxay ka muuqataa madasha caalamiga ah iyadoo codka Afrika laga dheehan karo, kadib markii ay ku guulaysatay ilaalinta danaha qaranka ee diblomaasiyadda.
- Raadka Cagaaran – Guulaha kale ee Itoobiya
Barnaamijka Raadka Cagaaran , oo uu hindisay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.), ayaa laga bilaabay heer qaran bishii 11aad 2011. Waxaa ilaa hadda la beeray in ka badan 48 bilyan oo geed. Heerka geed-beerista Itoobiya ee 2011 T.I wuxuu ahaa 17.2%, iyadoo sannadadii la soo dhaafay, Raadka Cagaaran ay gaartay in ka badan 23%.
Shaqada Raadka Cagaaran ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay Shirweynihii 2-aad ee Caalamiga ah ee Nidaamka Cuntada, iyo Shirweynihii 2-aad ee Afrika ee Isbedelka Hawada, taasoo Itoobiya u suurta gelisay inay noqoto tusaale wanaagsan oo ka dhex muuqda dalalka Afrika.
Itoobiya waxay sidoo kale ka qayb qaadatay horumarinta nabadgelyada gobolka iyada oo siinaysa dalalka deriska ah taageero geed-beerid iyo iskaashi wadajir ah, taasoo loo yaqaanno “Diblomaasiyadda Cagaaran,” kuna dhisan iskaashi iyo xiriir wanaagsan oo dalal kala duwan ah.
- Dhismaha iyo Xadhigjarka Mashaariicda Waaweyn
Bishii Baagume 2017 T.I, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa daahfuray mashruuca weyn ee biya-xidheenka dalka, kaas oo kor u qaadaya iskaashiga Afrika ee tamarta. Waxay dalalka deriska ah u fududeynaysaa helitaanka korontada Itoobiya si loo xoojiyo iskaashiga joogtada ah.
Hogaamintii sare ee dalalka deriska ee ka qaybgashay xadhigjarka mashruuca, ayaa sheegay in mashruuca uu yahay tusaale ka tarjumaya awoodda Afrika iyo awoodda Itoobiya ee hogaaminta horumarka.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha warshadda nukliyeerka, warshadda gaaska, saldhigyada shidaalka, garoomada diyaaradaha caalamiga ah, warshadaha wax-soo-saarka iyo dhismaha 1.5 milyan oo guri la qorsheynayo ay socdaan si loo xaqiijiyo horumar waara.
Intaa waxaa dheer, dhismaha warshadda gaaska ee deegaanka Soomaalida iyo garoonka diyaaradaha ee Bishoftu, iyo warshada bacriminta ayaa la bilaabay, iyadoo dhismayaasha kale ee horumarineed iyo diyaarinta mashaariicda ay socdaan.
Mashruuca Korontada ee Koysha ayaa sidoo kale loo arkaa inuu door muhiim ah ka ciyaarayo horumarinta tamarta dalka iyo kor u qaadista awoodda dhalinta quwada korontada.
- Horumarinta Marinnada iyo Casriyeynta Magaalooyinka
Hindisayaasha horumarinta marinnada ayaa door ka qaatay casriyeynta kaabayaasha kala duwan oo ay ku jirto gaadiidka, ballaarinta mashaariicda horumarinta cagaaran, hagaajinta habraacyada ganacsiga, dhismaha kaabayaal farshaxan, iyo sidoo kale hirgelinta kaabayaasha goobaha ciyaaraha.
Horumarinta marinnadu ma ahan oo kaliya qurxinta magaalooyinka deegaannada iyo caasimadda Addis Ababa, balse waxay sidoo kale suurta gelisay in muwaadiniintu ku noolaadaan deegaan nadiif ah oo habboon.
Maareeyaha Guud ee Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF), Kristalina Georgiyeefa, ayaa sanadkii 2025 marka ay ka hadlaysay Addis Ababa sheegtay inay waqti ku qaadatay booqashada magaalada isla markaana ay aragtay horumar muuqda.
Sidoo kale, xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya, Juneed Maxamed, ayaa Addis Ababa ku tilmaamay “Dubai-da cusub ee Afrika,” isagoo xusay in koboca degdegga ah ee ay magaaladu ku tallaabsatay uu tusaale u yahay Afrika inteeda kale, kana faa’iideysan doonin Itoobiya oo keliya. Waxaa intaa dheer, diblomaasiyiin kala duwan, ajaanib iyo bahwadaag horumarineed ayaa marag ka noqday isbeddelka iyo casriyeynta magaalada.
- Dhanka Garaadka Macmalka ah
Itoobiya iyadoo mudnaan siinaysa tiknoolajiyadda iyo garaadka macmalka ah, waxay shan sano ka hor aasaastay Machadka Garaadka Macmalka ah ee Itoobiya, kaasoo hadda si rasmi ah u shaqeeya. Sidoo kale, jaamacadaha waxbarashada sare ayaa bixiya barnaamijyo heerka labaad iyo saddexaad ah oo ku saabsan cilmigan.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa munaasabadda sannad-guurada 75aad ee Jaamacaddq Addis Ababa ku sheegay in haddii si degdeg ah loo diyaariyo jiilka cusub, ay si fudud u adeegsan karaan Garaadka macmalka ah sida agabka kale ee tiknoolajiyadda.
Wuxuu sidoo kale caddeeyay in la diyaariyay lana hirgelinayo siyaasad iyo istaraatiijiyad ku saabsan garaadka macmalka ah, isla markaana Jaamacadda Garaadka Macmalka ah (AI) ee la qorsheynayo ay kaalin weyn ka qaadan doonto xalinta dhibaatooyin badan oo ka jira Itoobiya iyo Afrika. Waxa uu intaas ku daray in dalka uu dhisayo aasaaska horumarinta AI.
Aragtida casriga ah ee Itoobiya ma aha oo kaliya mid ka jawaabaysa isbeddellada dijitaalka ah, balse waxay sidoo kale abuureysaa faa’iido dhaqaale. Istaraatiijiyadda “Itoobiya Casri ah 2030” iyo Machadka Garaadka Macmalka ah ee Itoobiya waxa uu leeyahay awood uu dalka ugu gudbin karo wejiga xiga ee horumarka dijitaalka ah.
- Itoobiya – Xarunta Duulista Afrika
Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya oo ah astaanta duulista Afrika, ayaa sii wadata kaalinteeda hoggaamineed ee isku xirka Itoobiya iyo adduunka intiisa kale, iyo sidoo kale isku xirka dalalka Afrika dhexdooda.
Adeegyada rakaabka iyo xamuulka ee shirkaddu waxay si weyn uga qayb qaataan xoojinta ganacsiga, dalxiiska iyo xiriirrada ganacsi ee caalamiga ah. Lixdii bilood ee hore ee sannadkan, shirkaddu waxay qaaday 10.64 milyan oo rakaab ah, taasoo loo arko caddeyn muujinaysa hoggaankeeda.
Dhinaca kale, waxaa la bilaabay dhismaha garoonka caalamiga ah ee Bishoftu, oo noqon doona kan ugu weyn Afrika. Bilaabista mashruucan waxay xoojinaysaa doorka hoggaamineed ee Itoobiya ee qaybta duulista qaaradda.
Guusha kale ee Itoobiya – Dalxiiska
Itoobiya waa dal hodan ku ah taariikh, dhaqan, iyo goobo dalxiis oo dabiici ah iyo kuwo uu aadanuhu sameeyay. Goobahan ayaa sii wada inay soo jiitaan dalxiisayaal iyo cilmi-baarayaal kala duwan.
Dowladdu iyadoo u aqoonsatay dalxiiska mid ka mid ah tiirarka dhaqaalaha, ayaa hirgelisay mashaariic wax ku ool ah oo keenay natiijooyin dhiirrigelin leh.
Iyadoo laga duulayo fikirka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.), mashaariicda “Dhismaha Qaranka,” “Dhismaha Jiilka,” iyo “Dhismahq Shagar” ayaa muujiyay quruxda dalxiiska isla markaana kordhiyay dakhliga.
Dhawaan, Seerada Dalxiis ee Shabeelleey oo laga daahfuray Dowlad Deegaanka Soomaalida, kana mid ah mashruuca “Dhismaha Jiilka” ayaa tusaale u ah dadaalladaas.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilligii furitaanka sheegay in mashruucani uu caddeyn u yahay ballanqaadka lagu doonayo in Itoobiya laga dhigo meel dalxiis oo hormuud ka ah Afrika, isla markaana uu yahay shaqo weyn oo laga qabtay bariga dalka.
Addis Ababa gudaheeda, Seerada Saaxiibtinimada, Seerada Midnimo, Madxafka Sayniska iyo goobo kale ayaa noqday meelo dalxiis oo la doorbido. Horumarinta marinnada waxay si cusub u muujisay bilicda caasimadda, taasoo sii kordhisay soo jiidashada dalxiisayaasha.
Guud ahaan, guulaha ay Itoobiya ka gaartay beeraha, diblomaasiyadda, hal-abuurka, kaabayaasha dhaqaalaha, casriyeynta magaalooyinka iyo horumarinta marinnada, iyo sidoo kale dalxiiska, waxay muujinayaan mustaqbal ifaya.
Guulahaas iyo aragtida istaraatiijiyadeed ee Itoobiya waxay ka tarjumayaan horumar ku saleysan dadaal iyo iskaashi wadajir ah oo waafaqsan waqtiga.
Itoobiya ma aha mid u shaqeyneysa maanta oo keliya, balse waxay dhiseysaa aasaaska jiilasha soo socda.