Adeegga Booliska ee casriga ah oo laga hirgeliyay Itoobiya wuxuu kordhiyay awoodda qabashada munaasabadaha waaweyn - ENA Af-Soomaali
Adeegga Booliska ee casriga ah oo laga hirgeliyay Itoobiya wuxuu kordhiyay awoodda qabashada munaasabadaha waaweyn
Addis Ababa, Cirir 19/2018 (ENA): Taliyaha Guud ee Booliska Federaalka Itoobiya Komishaneer Jeneraal Dhamalaash Gabramikaa'eel, ayaa sheegay in Itoobiya ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee Afrika ka hirgeliya saldhig boolis oo “casri ah” oo aan qof ban'iiaadam ah uusan si toos ah uga shaqeyn, taasoo sare u qaaday awoodda dalka ee qabashada munaasabadaha heer qaran iyo heer caalami.
Waxaa la xusuustaa in Ra’iisul Wasaaraha Abiy Acmed uu todobaadkii ugu horreeyay ee bisha Cirir daahfuray adeeggan cusub, si muwaadiniintu ay si degdeg ah oo tiknoolajiyad ku saleysan ugu helaan adeegyada booliska.
Adeeggan cusub wuxuu u oggolaanayaa isticmaalaha inuu iskiis isu maareeyo adeegga isagoo adeegsanaya qalab dijitaal ah, taasoo ka dhigeysa mid fudud, dhakhso leh oo la heli karo.
Waxaa lagu gudbin karaa cabashooyin dambiyo, lagu soo sheegi karaa shilalka gaadiidka, lagu bixin karaa ganaaxyada taraafikada, laguna diiwaan gelin karaa alaab lumay ama la helay. Sidoo kale, wuxuu door muhiim ah ka qaadanayaa amniga dalxiisayaasha.
Komishaneer Jeneraal Dhamalaash ayaa tilmaamay in Booliska Federaalka oo qaab casri ah loo aas aasay uu jiro muddo 117 sano ah, isla markaana uu yahay mid ka mid ah hay’adaha ugu faca weyn Afrika.
Wuxuu xusay in hay’addu ay door ku lahayd tababarka halgamayaal xorriyadeed oo ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela, isla markaana ay weli kaalin muuqata ka qaadato nabadda iyo amniga gobolka.
Tan iyo isbeddelladii dhowaan dhacay, waxaa la hirgeliyay dib-u-habeyn keentay hay’ad leh shaqaale xirfad leh, tiknoolajiyad casri ah iyo awood saadka oo dhameystiran.
Sidoo kale waxaa la dhisay xarumo waxbarasho sare oo gaaraya heerka PhD si loo xoojiyo aqoonta iyo cilmi-baarista dhinaca booliska.
Itoobiya waxay sidoo kale guulo ka gaartay howlgallada nabad ilaalinta ee qaar ka mid ah dalalka Afrika, taasoo sare u qaadday sumcadda dalka ee dhinaca nabadda iyo amniga caalamka.
Adeegga cusub ee aan qof toos u joogin wuxuu suurtagelinayaa in muwaadiniinta gudaha iyo dibaddaba ay helaan adeeg boolis oo tiknoolajiyad ku dhisan, iyadoo si gaar ah loo ilaalinayo amniga xogta iyo sirta isticmaalayaasha.
Ugu dambeyn, taliyuhu wuxuu sheegay in isku darka shaqaale tayo leh, tiknoolajiyad horumarsan iyo taageero saad ay Itoobiya u abuurtay fursad ay si guul leh ugu maareyn karto munaasabadaha heer qaran, qaaradeed iyo caalamiba.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital