Xukuumada Deegaanka Soomaalida oo wada dadaalo lagaga jawaabayo xaalada jiilaalka adag ee Jiilaalka kajira deegaanka

Addis Ababa: Cirir 19/2018 (ENA): Xukuumada Deegaanka Soomaalida ayaa wada dadaalo loogaga jawaabayo xaalada jiilaalka adag ee Jiilaalka kajira deegaanka.

‎Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Deegaanka, Xuseen Xaashi (Ph.D), ayaa saaka dhagaystay warbixintan oo ay soo jeediyeen kooxaha taageerada taakulaynta iyo jawaab-celinta oo mudo laba Todobaad ah ku sugnaa qaar kamid ah gobollada deegaanka, kuwaas oo ka hawlgalayay xaaladaha jilaalka iyo kulaylka saameeyay bulshada iyo xoolaha.‎

‎Xukuumada Deegaankaas ayaana taageero kala duwan gaadhsiisay dadka iyo duunyada ay saameeyeen xaaladaha adag ee Jilaalka si loo yareeyo saamaynta ka dhalan karta.

‎‎Kooxahan ayaa faahfaahin ka bixiyay heerka xaaladda, baahiyaha jira iyo tallaabooyinka la qaaday intii ay ku sugnaayeen Goballada.

‎Dr. Xuseen Xaashi Qaasim ayaa kula dardaarmay kooxaha cusub ee loo dirayo gobalada inay laba jibbaaraan dadaalkooda.

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #WWI

Wakaalada Warka Itoobiya
2015