Guusha Dibloomaasiyadda iyo Aragtida Istiraatiijiga ah ee Itoobiya! - ENA Af-Soomaali
Guusha Dibloomaasiyadda iyo Aragtida Istiraatiijiga ah ee Itoobiya!
Bilihii u dambeeyay, booqashooyinka ay Itoobiya ku yimaadeen madaxda dalal kala duwan, diblomaasiyiin sare iyo kulamo xiriir dibadeed oo kala duwan ayaa muujinaya in ka-qaybgalka Itoobiya ee arrimaha caalamiga ah uu sii kordhayo, isla markaana heerka saameynta dibloomaasiyadeed ee ay ku leedahay uu kor u kacayo.
Madaxda caalamka ayaa booqashooyin ku yimid caasimadda Afrika, iyagoo ujeedkoodu yahay xoojinta iskaashi istiraatiiji ah iyo mida heer gobol oo waara.
Booqashooyinkan waxay muujinayaan muhiimadda juqraafi-siyaasadeed ee Itoobiya iyo awooddeeda dibloomaasiyadeed.
Wadahadallada laba geesoodka ah ee ay madaxdu la yeesheen masuuliyiinta Itoobiya waxay diiradda saareen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, kobcinta iskaashiga dhaqaale, taageeridda dadaallada nabadda ee Geeska Afrika, iyo sidii si wadajir ah looga hortagi lahaa caqabadaha gobolka iyo kuwa caalami ah.
Itoobiya waa wadnaha dibloomaasiyadda Afrika. In Addis Ababa ay tahay xarunta Midowga Afrika ayaa sii kordhisay in indhaha caalamku ku soo jeestaan dalka.
Booqashooyinkan waxay muujinayaan in Itoobiya aan kaliya muhiim uga ahayn Geeska Afrika, balse ay door sii kordhaya ku leedahay ajendayaasha caalamiga ah ee ballaaran.
Geeska Afrika oo ay ka jiraan caqabado badan, Itoobiya waxay ka ciyaaraysaa door dhisid nabadeed, iskaashi dhaqaale iyo isku-xirnaan qaaradeed. Hadallada madaxda soo booqatay dalka ayaa laga dheehan karaa in muhiimadda Itoobiya ay tahay mid lama huraan ah oo istiraatiiji ah.
Madaxda ajnebiga ah ee bilihii la soo dhaafay soo booqday dalka waxaa ka mid ah Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan, oo toddobaadkii hore yimid Itoobiya.
Intii uu joogay dalka, Erdogan wuxuu wada-hadal laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Wuxuu caddeeyay in Turkigu qiimeynayo iskaashiga muddada dheer ee uu la leeyahay Itoobiya, isla markaana uu doonayo inuu sii xoojiyo saaxiibtinimada iyo iskaashiga labada dal.
Erdogan ayaa sidoo kale tilmaamay in iyadoo dunidu wajigeeda usoo jeedisay Geeska Afrika, qaab-dhismeedka dowladeed ee Itoobiya oo muddo dheer jiray iyo nidaamkeeda maamul ay noqdeen kuwo sii kordhaya muhiimaddooda.
Wuxuu muujiyay kalsooni buuxda in booqashadu ay keeni doonto natiijooyin wax ku ool ah, isla markaana ay wax ku biirin doonto nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Sidaas darteed, dhaqdhaqaaqyada dibloomaasiyadeed ee isa soo taraya waxay muujinayaan in Itoobiya ay ku tallaabsatay guul muuqata oo dibloomaasiyadeed iyo aragti istiraatiiji ah oo sii xoojinaysa kaalinteeda gobolka iyo tan caalamkaba.
Bishii Dharabley 2018, Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa Itoobiya soo booqday isagoo joogay laba maalmood. Intii uu joogay, Moodi wuxuu la kulmay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, iyagoo ka wada hadlay arrimo muhiim ah, sidoo kalena khudbad taariikhi ah ka jeediyay Golaha Wakiilada Shacabka iyo Golaha Federeeshinka, taasoo muujisay saaxiibtinimada dheer iyo iskaashi dadweyne oo u dhexeeya labada dal.
Shirkadaha Hindiya ayaa Itoobiya ku maalgashaday boqolaal milyan oo doolar, gaar ahaan beeraha, dharka, iyo warshadaha, taasoo cadeynaysa saamigooda weyn ee maalgashiga tooska ah ee dibadda.
Waxaa sidoo kale la caddeeyay in iskaashiga Itoobiya iyo Hindiya uu u gudbay marxalad istiraatiiji ah oo ka kooban dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda, tamarta cagaaran, iyo hal-abuurnimada.
Ra’iisul Wasaare Moodi ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay saaxiib lagu kalsoon yahay, isla markaana dadaalkeeda dibloomaasiyadeed uu sareeyo.
Wuxuu ku boorriyay Itoobiya in ay sii waddo isku-darka awoodeeda dhaqameed iyo himilooyinka casriga ah si daacadnimo iyo dulqaad leh.
Bishii Xorrey 2018, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa sidoo kale soo booqday Addis Ababa, isagoo la kulmay Ra’iisul Wasaare Abiy, wuxuuna caddeeyay in Shiinaha uu sii xoojinayo iskaashiga istiraatiijiga ah ee aan kala go'a lahyn iyo in uu la shaqeynayo Itoobiya si loo gaaro nabad, xasillooni, iyo horumar waara.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Kristofar Landau, iyo saraakiil sare oo ka socda AFRIKOM ayaa booqashooyin ku yimid Itoobiya, taasoo muujinaysa saameynta dibloomaasiyadeed ee Itoobiya iyo doorka ay ka ciyaarto nabadda gobolka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Singapore Lawrense Wong ayaa soo booqday Addis Ababa bishii Gudba 2018, isagoo ka qeyb galay furitaanka safaarad cusub oo Singapore ku leedahay dalka, taasoo sii xoojisay xiriirka labada dal iyo ka faa’iidaysiga fursadaha iskaashiga ee gobolka.
Booqashooyinkan joogtada ah ee madaxda caalamka ayaa muujinaya in Itoobiya ay ku tallaabsatay guulo dibloomaasiyadeed, iyadoo xoojineysa xiriirka istiraatiijiga ah ee waddamada caalamka iyo kuwa gobolka, isla markaana noqotay xarun muhiim ah oo iskaashi, nabad, iyo horumar waara ee Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda.