Wadatashiga Qaran ee Itoobiya waa ajende muhiim u ah dhismaha is-afgarad qaran – Soofi From-Emmesberger

Addis Ababa, Cirir 18/2018 (ENA): Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Itoobiya, Soofi From-Emmesberger, ayaa sheegtay in Wadatashiga Qaran ee Itoobiya uu yahay ajende muhiim ah oo suuragelin kara dhismaha is-afgarad qaran iyo nabad waarta.

Wareysi ay siisay WWI ayay ku caddeysay in Itoobiya iyo Midowga Yurub ay leeyihiin iskaashi diblomaasiyadeed oo xooggan oo ku fidsan dhammaan dhinacyada. 

Waxay xustay in Midowga Yurub uu taageero ka siinayo Itoobiya dhinacyada casriyaynta, tamarta la cusboonaysiin karo, beeraha, waxbarashada iyo horumarinta khayraadka aadanaha.

Waxay sidoo kale tilmaantay in booqashadii Madaxweynaha dalka, Taaye Asqasilaase uu ku tagay Brussels bishii Oktoobar ay xoojisay wada shaqaynta diblomaasiyadeed ee labada dhinac. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub, Antoniyo Kosta, intii uu ka qaybgalayay shirkii G20 ee Koonfur Afrika, taasoo sii xoojisay iskaashiga.

Waxay sheegtay in xiriirka diblomaasiyadeed ee 50 sano jirsaday ee Itoobiya iyo Midowga Yurub uu hadda u gudbayo marxalad iskaashi oo heer sare ah. 

Waxay intaas ku dartay in 22 dal oo xubno ka ah Midowga Yurub oo safaarado ku leh Addis Ababa ay sii ballaarinayaan iskaashigooda horumarineed.

Waxay xaqiijisay in dadaal xooggan la gelinayo xoojinta iskaashiga si loo gaaro dan guud oo wadajir ah. Itoobiya, ayay tiri, waxay ka shaqaynaysaa ajendayaal muhiim u ah kobaca dhaqaale, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wadatashiga Qaran, caddaaladda ku-meel-gaarka ah iyo dib-u-dhexgelinta bulshada dagaalyahannadii hore.

Soofi From-Emmesberger ayaa carrabka ku adkaysay in Wadatashiga Qaran uu yahay hannaan muhiim ah oo lagu abuuri karo is-afgarad, iyadoo aragtiyo siyaasadeed iyo bulsho oo kala duwan lagu falanqaynayo madal wadajir ah. 

Waxay xustay in habka wadatashigu uu yahay mid ay Itoobiyaanku hoggaaminayaan, taasoo muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo midnimada qaran.

Ugu dambayn, waxay sheegtay in wadahadalku uu yahay dariiqa ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed si nabad ah, isla markaana Wadatashiga Qaran ee Itoobiya uu yahay ajende lama huraan u ah dhismaha is-afgarad qaran iyo nabad waarta.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital

Wakaalada Warka Itoobiya
2015