Itoobiya ayaa noqotay tusaale caalami ah oo ku saabsan horumarka raadka cagaaran iyo tamarta la cusboonaysiin karo – Safiirka Roomaaniya - ENA Af-Soomaali
Itoobiya ayaa noqotay tusaale caalami ah oo ku saabsan horumarka raadka cagaaran iyo tamarta la cusboonaysiin karo – Safiirka Roomaaniya
Addis Ababa, Cirir 18/2018 (ENA): Safiirka Roomaaniya u fadhiya Itoobiya, Juliya Bataki, ayaa sheegtay in Itoobiya ay noqotay tusaale ay dunidu ku dayato marka la eego horumarinta cagaaran iyo adeegsiga tamarta la cusboonaysiin karo.
Waxay tilmaantay in biya-xidheenka weyn uu leeyahay faa’iido muuqata oo ku aaddan isku xirka tamarta gobolka, isla markaana uu yahay mashruuc dhaqaale oo gaar ah oo Afrika ka hirgalay.
Itoobiya ayaa sannadadii la soo dhaafay, fikradda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ku timid, fulisay barnaamijka “Raadka Cagaaran”, iyadoo ku guuleysatay in ka badan 48 bilyan oo geedo ah la beero.
Tallaabadan ayaa door weyn ka qaadatay la dagaallanka isbeddelka cimilada iyo abuurista deegaan dheellitiran, waxayna dalka u soo hoysay aqoonsi caalami ah.
Wareysi ay siisay WWI ayay Danjire Juliya Bataki ku sheegtay in dadaallo lagu xoojinayo xiriirka labada dal ay socdaan, isla markaana Roomaaniya ay ka shaqaynayso in xiriirka diblomaasiyadeed loo rogo iskaashi horumarineed oo muuqda.
Waxay intaas ku dartay in guulaha Itoobiya ka gaartay barnaamijka Raadka Cagaaran ay dalka u horseedeen sumcad caalami ah, isla markaana ay tusaale u noqotay dalal kale oo doonaya horumarka cagaaran iyo tamar nadiif ah.
Waxay xustay in Itoobiya ay ku socoto waddada horumarineed, gaar ahaan natiijooyinka laga arkayo magaalada Addis Ababa muddadii u dambeysay ay yihiin kuwo la yaab leh.
Waxay sidoo kale sheegtay in dhaqdhaqaaqyada horumarineed ay ku fidayaan magaalooyin kale oo deegaannada.
Mashruucyada horumarinta ee magaalada, oo ay ka mid yihiin kuwa waddooyinka marinada iyo hareeraha webiyada, ayay ku tilmaantay kuwo si dhab ah u xaqiijinaya in Addis Ababa ay tahay caasimadda Afrika.
Ugu dambayn, waxay mar kale adkaysay in Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya uu yahay mashruuc dhaqaale oo weyn, isla markaana uu kaalin muuqata ka qaadanayo isku xirka tamarta dalalka gobolka.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital