Xiriirka Taariikhiga ah ee qarniyada badan jiray ee Itoobiya iyo Israa’iil

Itoobiya iyo Israa’iil waa laba dal oo leh xiriir qoto dheer oo taariikhi iyo dhaqan ah. Xiriirka labada dal oo soo jiray qarniyo badan ayaa maanta ku sii xoogeysanaya dhinacyo kala duwan. Inkastoo uu mararka qaar la kulmay isbeddello iyo caqabado ku xiran xaaladaha siyaasadeed ee xilliyada kala duwan, haddana wuxuu sii ahaa mid adkeysi leh oo joogto ah.

Warbaahinta kala duwan ayaa sheegtay in Madaxweynaha Israa’iil, Isaaq Hersog, uu booqasho rasmi ah ku iman doono Addis Ababa, iyada oo laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil. Waxaa la filayaa inuu la kulmo Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo sar sare.

Xiriirka Taariikhiga ah ee Itoobiya iyo Israa'iil

Dhacdooyinka taariikhiga ah ayaa tilmaamaya in xiriirka Itoobiya iyo Israa’iil dib loo xasuusan karo xilligii Boqorad Saba iyo Boqor Sulaymaan ka hor dhalashadii Nabi Ciise. Taas ayaa saldhig u noqotay xiriirka la xiriira boqortooyadii Sulaymaaniyiinta ee Itoobiya. Xilliyadii dhexe iyo wakhtigii boqortooyooyinka, diinta iyo ganacsigu waxay sii xoojiyeen xiriirka labada dal. Jiritaanka kaniisadaha iyo macbudyada Itoobiya ku leedahay Eyerusaalam, gaar ahaan Dayr al-Suldaan, ayaa caddeyn u ah isku xirnaanta dhaqan iyo diimeed ee labada shacab. Kadib markii Israa’iil dib loo aasaasay 1948, xiriirkaas taariikhiga ah wuxuu galay marxalad cusub oo casri ah, isaga oo u gudbay dhinaca diblomaasiyadda rasmiga ah.

Xiriirka Diblomaasiyadda Siyaasadeed ee Itoobiya iyo Israa'iil

Xiriirka diblomaasiyadeed ee casriga ah wuxuu si rasmi ah u bilowday dabayaaqadii 1950-meeyadii, waxaana si buuxda loo xoojiyay 1961 xilligii Boqor Hayle Silaase. Labada dal waxay markaas yeesheen iskaashi istaraatiiji ah oo ku saabsan arrimaha milatariga iyo horumarinta farsamada.

Intii uu talinayay Dergigu, xiriirka ayaa qaboojiyay sababo la xiriira dagaalladii Carabta iyo Israa’iil, hase yeeshee xiriir qarsoon ayaa jiray. Hawlgalladii Mooses (1984) iyo Hawlgalkii Solomon (1991) ayaa la daadgureeyay kumannaan Yuhuud Itoobiyaan ah oo loo qaaday Israa’iil.

Xilligii EPRDF, xiriirku wuu sii ballaadhay. 1992, Itoobiya ayaa safaarad ka furatay Israa’iil. 2003, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis ilaalinta iyo dhiirrigelinta maalgashiga. 2016, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benyamin Netanyaahu ayaa soo booqday Addis Ababa isagoo la kulmay Ra'iisul Wasaarihii xilligaas Hayle-maaryam Dhasaalany, halka 2011 (2019 GC) Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu booqday Israa’iil, taas oo xiriirka gelisay marxalad cusub.

Xidhiidhka Dhaqan iyo midka Dhaqaale

Iskaashiga dhaqaale ayaa si weyn u kobcay. Shirkado Israa’iili ah ayaa ka qaybqaata wax soo saarka beeraha ee casriga ah, macdanta, warshadaha dharka iyo kiimikada, iyo sidoo kale caafimaadka iyo dawooyinka.

Ganacsiga labada dhinac ayaa sii kordhaya. Itoobiya waxay Israa’iil u dhoofisaa bun, sisin iyo dalagyo kale. Israa’iilna waxay Itoobiya siisaa taageero tiknoolajiyad sare, qalab caafimaad, agab beeraha ah iyo qalab amni. Israa’iil oo caan ku ah beeraha dhulka qalalan ayaa Itoobiya ka caawisa waraabka casriga ah, horumarinta afokaadhada iyo miraha kale, iyo sidoo kale wax soo saarka xoolaha iyo caanaha.

In ka badan 160 kun oo Israa’iiliyiin ah oo asal ahaan ka soo jeeda Itoobiya ayaa door muhiim ah ka ciyaara xoojinta xiriirka labada dal, iyagoo noqday buundo isku xirta dhinacyada dhaqaale, aqoon iyo maalgashi.

Ugu dambeyn, booqashada la filayo ee Madaxweyne Isaaq Hersog ku imaanayo Addis Ababa ayaa la filayaa inay sii xoojiso iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal, isla markaana kor u qaaddo wada shaqeynta arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015