Deegaannada hore u bilaaba beerashada xilli roobaadka waa inay si habboon uga faa’iideystaan cimilada qoyan ee siddeedda maalmood ee soo socda - ENA Af-Soomaali
Deegaannada hore u bilaaba beerashada xilli roobaadka waa inay si habboon uga faa’iideystaan cimilada qoyan ee siddeedda maalmood ee soo socda
Addis Ababa, Cirir 16/2018 (ENA): Machadka Saadaasha Hawada ayaa ku boorrisay deegaannada hore u bilaaba howlaha beerashada xilli roobaadka inay si wanaagsan uga faa’iideystaan xaaladda cimilo ee qoyan ee la filayo siddeedda maalmood ee soo socda.
War-saxaafadeed uu machadku u diray WWI oo ku saabsan saadaasha cimilada ee u dhaxeysa 14 ilaa 21-ka Cirir 2018 T.I., ayaa lagu sheegay in maalmaha soo socda laga filayo xaalad cimilo oo si qaraabo ah u qoyan deegaannada ku habboon wax-soo-saarka xilli roobaadka.
Gaar ahaan, roobab laga dareemi doono koonfur-galbeed, koonfur iyo qeybo ka mid ah bartamaha dhulka hoose ayaa la sheegay inuu abuuri doono fursad ku habboon diyaarinta dhulka, diyaargarowga abuurka iyo howlaha beerista.
Sidoo kale, roobabka la filayo ayaa faa’iido u yeelan doona koritaanka daaqa iyo dalagyada joogtada ah, isla markaana wax ka tari doona hagaajinta helitaanka biyaha cabbitaanka ee dadka iyo xoolaha.
Waxaa intaas dheer in roob u dhexeeya heer dhexdhexaad ilaa mid fudud laga filayo dhulka sare ee Awaash, hareeraha sare iyo bartamaha Baaro, Omo-Gibe, Dooxada Rift, iyo qaybo kooban oo ka mid ah dooxada sare ee Genaale-Dawa.
Sababtaas awgeed, waxaa la saadaaliyay in meelahaas laga filan karo qulqul dhexdhexaad ah oo biyaha dusha sare ah.
Ugu dambayn, war-saxaafadeedka ayaa xusay in qeybo ka mid ah koonfurta iyo koonfur-bari oo ka faa’iideysta roobabkan ay wajihi karaan xaalad cimilo oo qalalan muddadaas.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital