Xafiiska Jidadka Deegaanka Soomaalida ayaa magaalada Wardheer ka bilaabay jid dhererkiisu dhan yahay 60km oo isku xidhi doona degmooyinka Wardheer iyo Lahel-yucub

Addis Ababa, Cirir 14/2018 (ENA): Masuuliyiinta maamulka gobolka Doollo iyo kuwa degmooyinka Wardheer iyo Lahel-yucub oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Mudane Cabdulaahi Deeq ayaa u kuurgalay habsami usocodka bilowga jidka jayga ah ee isku xidha Wardheer iyo Lahel-yucub oo wakhti xaadirkan dhismihiisu marayo xaaqitaanka iyo baahinta wajiga 1aad.

Dhismaha jidkan hawshiisa waxaa wada Xafiiska Jidadka Deegaanka Soomaalida, kaasi oo lagu soo gabo'gabayn doono mudo sadex bilood ah sida ay sheegeen hawlwadeenada Xafiiska Jidadka ee gacanta ku haya jidkan.

Ugu dambayn, jidkan jayga ah oo isku xidhi doona degmooyinka Wardheer iyo Lahel-yucub oo dherar ahaan gaadhaya 60km ayaa marka lasoo gabo'gabeeyo noqon doona mid waxtar wayn u leh bulshada labada degmo, islamarkaana sahli doona isku socodka gaadiidka iyo kan bulshada .

#WWI  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital

Wakaalada Warka Itoobiya
2015