Cabashooyinka Doorashada Jawaab Degdeg ah oo Sharci ku Dhisan ayaa la siin doonaa

Addis Ababa, Cirir 14/2018 (ENA): Madaxweynaha Maxkammada Sare ee dalka Tewodros Mihret ayaa sheegay in maxkamaddu si gaar ah diiradda u saarayso bixinta jawaab degdeg ah oo sharci ku dhisan cabashooyinka ka dhasha xilliga doorashada.

Maxkamadda oo kaashanaysa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa bilowday tababar la xiriira habraaca xalinta cabashooyinka doorashooyinka.

Tababarkan waxaa ka qeybgalaya garsoorayaal ka kala socda Maxkamadda Guud ee Federaalka, Maxkamadda Sare ee Federaalka iyo Maxkamadaha Heerka Koowaad, iyo sidoo kale garsoorayaal ka yimid dhammaan deegaannada dalka.

Tababarka oo soconaya afar maalmood ayaa lagu qabanayaa Jaamacada Addis Ababa, waxaana bixinaya aqoonyahanno jaamacadeed, khubaro ka socota guddiga doorashooyinka iyo garsoorayaal sare. 

Waxaa la sheegay in saddex wareeg ay ka qeybgalayaan ilaa 150 garsoore.

Tewodhroos Mihret ayaa xusay in garsoorayaashu ay door weyn ka ciyaaraan hagaajinta tayada adeegga caddaaladda ee muwaadiniinta, isla markaana ay mas’uuliyaddooda si habboon u gutaan. 

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dejinta nidaam jawaab degdeg ah oo wax ku ool ah ay muhiim u tahay kalsoonida geeddi-socodka doorashada.

Dhankeeda, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Meelaatwarq Haylu ayaa sheegtay in guddigu wado diyaar-garowga lagama maarmaanka u ah qabashada doorashada guud ee 7aad. 

Waxay tilmaantay in faham buuxa laga yeesho qodobbada sharciga si doorashadu u noqoto mid caddaalad, xor ah oo dhexdhexaad ah.

Waxa kale oo la adkeeyay in tababarku gacan ka geysan doono in la helo isfaham mideysan oo u dhexeeya dhinacyada cabashada keena iyo kuwa go’aanka ka gaara, si loo hubiyo in khilaafaadka doorashooyinka si hufan oo sharci ah loo xalliyo.

#WWI  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital

Wakaalada Warka Itoobiya
2015