Waa tallaabo muhiim ah oo xiriirka taariikhiga ah ee Turkiga iyo Itoobiya u qaadi doonta heer cusub

Waa tallaabo muhiim ah oo xiriirka taariikhiga ah ee Turkiga iyo Itoobiya u qaadi doonta heer cusub

 

In kasta oo xiriirka labada dal uu soo jiray qarniyo badan, haddana wuxuu sii xoogaysanayay 20-kii sano ee la soo dhaafay.

 

Itoobiya iyo Turkiga waxay lahaayeen saaxiibtinimo dhow tan iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, maantana waxay leeyihiin xiriir ku salaysan faa'iidooyinka labada dhinac ah, laga bilaabo ganacsiga ilaa arrimaha siyaasadda.

 

Waxaa jira taariikho badan oo kala soocaya xiriirka Turkiga iyo Itoobiya, oo ay ku jirto xaqiiqda ah in Turkigu uu ahaa waddankii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ka fura safaaraddiisa Itoobiya.

 

Kalsoonida Itoobiya ee Turkiga oo ah saaxiib weyn oo istaraatiiji ah oo ku yaal Geeska Afrika ayaa gacan ka geysatay xoojinta saaxiibtinimadooda.

 

Maalgashadayaasha shisheeye ee door hoggaamineed ka ciyaara ganacsiga iyo maalgashiga Itoobiya, malgashadayaasha Turkigu waa kuwii ugu horreeyay ee la xuso. Gaar ahaan waxay hormuud ka yihiin qaybaha dharka iyo wax soo saarka.

 

Kulanka laba geesoodka ah ee shalay dhexmaray Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan iyo RW Abiy Axmed (Dr.) ayaa la filayaa inuu xiriirka labada dal ee qadiimiga ah iyo kuwa taariikhiga ah u qaado marxalad cusub.

 

Wadahadalladii dhexmaray Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) iyo Madaxweyne Rajab Dayob Erdogan waxay diiradda saareen arrimaha dhaqaalaha iyo amniga ee Bariga Afrika, gaar ahaanna waxay gaareen isfaham guud oo ku saabsan doorka caalamiga ah iyo muhiimadda dekedda Itoobiya.

 

 

Tani waxay calaamad u tahay maalin taariikhi ah oo saaxiibtinimada labada dal u dhexeysa ay ku socoto marxalad cusub.

 

 

Booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay sii xoojiso xiriirka labada dal, kaas oo ku salaysnaa marxalado muhiim ah oo taariikhi ah.

 

 

Adeegga Isgaarsiinta Dowladda

 

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya 

#WWI

Wakaalada Warka Itoobiya
2015