Itoobiya iyo Turkiga ayaa isla gartay in la xoojiyo is-weydaarsiga ganacsi

Addis Ababa, Cirir 10/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy iyo Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah, iyagoo ka dibna bixiyey war-saxaafadeed wadajir ah.

 

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay in labada dal ay ku heshiyeen in is-weydaarsiga ganacsi ee u dhexeeya Itoobiya iyo Turkiga uu gaaro ugu yaraan hal bilyan oo doollar, isla markaana ay labada dowladood ka wada shaqeeyaan sidii uu u kori lahaa xiriirkan.

 

Si gaar ah, shirkadaha Turkiga ayaa loo balanqaaday inay yimaadaan Itoobiya si ay u maalgeliyaan, taasoo ka caawinaysa suuqyada gudaha iyo dhoofinta suuqyada Afrika.

 

Sidoo kale, waxaa la saxiixay Dukumiintiyada Heshiiska 9-aad ee Guddiga Dhaqaalaha Wadajirka ah ee Turkiga-Itoobiya iyo Dukumiinti u oggolaanaya iskaashi dhinaca tamarta ah, kuwaas oo xoojin doona iskaashiga labada dal iyo fursadaha wadajirka ah ee horumarinta shaqada.

 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015