Madasha 9aad ee Ganacsiga Afrika ayaa Maanta ka Furmatay Addis Ababa

Addis Ababa, Cirir 8/2018 (ENA): Madasha 9aad ee Ganacsiga Afrika ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Addis Ababa. 

 

Madashan oo ah mid heer qaaradeed ah ayaa sanad walba la qabtaa, iyadoo diiradda lagu saarayo horumarinta dhaqaalaha iyo koboca Afrika.

 

Madasha waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Komishinka Dhaqaalaha Afrika ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, iyagoo kaashanaya daneeyayaal kale. 

 

Hal-ku-dhigga sanadkan ayaa ah: “Maalgelinta Mustaqbalka Afrika; Shaqooyin iyo Hal-abuurnimo loogu talagalay Isbeddel Waara.”

 

Kulankan waxa uu isu keenayaa hoggaamiyeyaasha Afrika, maalgashadayaasha, wakiillo ka socda ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo bahwadaag horumarineed, si ay uga wada hadlaan sidii loo ballaarin lahaa fursadaha maalgelinta, gaar ahaan maalgelinta isku dhafan ee dowlad iyo ganacsi.

 

Qodobada lagu falanqeynayo waxaa ka mid ah abuurista shaqooyin, kobcinta deegaanka ku habboon hal-abuurnimada iyo ka faa’iidaysiga awoodda hal-abuurka Afrika. 

 

Sidoo kale waxaa si gaar ah loo xoojinayaa warshadaha dijitaalka, ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah, iyo kobaca sii kordhaya ee hal-abuurnimada qaaradda.

 

Inta uu socdo shirka, waxaa la soo bandhigi doonaa hindisayaal iyo qaab-dhismeedyo cusub. Waxaa la filayaa in la daahfuro qaab-dhismeed isku xira hal-abuurnimada dhallinyarada iyo maalgelinta, si loo taageero isbeddel dhaqaale oo waara.

 

Sidoo kale, nidaam ay diyaarisay ECA oo lagu kormeerayo laguna daba-gelayo ballanqaadyada maalgelin ee dowlad iyo ganacsi ayaa si rasmi ah loo hawlgelin doonaa.

 

Madashu waxay socon doontaa laba maalmood, iyadoo la qabanayo dooddo heer hoggaamiyeyaal iyo kuwo khubaro ah. 

 

Waxaa kale oo jiri doona bandhigyo isku xiraya ganacsiyada yaryar iyo hal-abuurayaasha bahwqdaagta iyo hay’adaha maaliyadeed.

 

Waxaa la rajeynayaa in kulamadan ay kaalin ka qaataan sidii ballanqaadyada loogu rogi lahaa mashaariic dhaqaale oo la taaban karo, isla markaana ay gacan ka geystaan hirgelinta yoolalka Horumarka Waara iyo Ajandaha 2063 ee Midowga Afrika.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015