Itoobiya waxay noqotay xarun istiraatiiji ah oo isku xirta Afrika iyo caalamka — Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr) - ENA Af-Soomaali
Itoobiya waxay noqotay xarun istiraatiiji ah oo isku xirta Afrika iyo caalamka — Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr)
Addis Ababa, Cirir 6/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in shirkii labaad ee Talyaaniga–Afrika uu ka furmay Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis Ababa.
Shirkani oo ay si wadajir ah u martigeliyeen Itoobiya iyo Talyaaniga, ayaa mar kale xaqiijinaya xarunta diblooomasi ee Itoobiya iyo kaalinteeda muuqata ee goobaha caalamiga ah ee diblolomasiyadeed.
Intii uu socday khudbadiisa furitaanka, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya ay ka shaqeynayso sidii doodaha istiraatiijiga ah loogu bedeli lahaa natiijooyin horumarineed, islamarkaana ay sii wadi doonto iskaashiga horumarineed ee walaalaha ka socda Talyaaniga, Afrika iyo bahwadaagta kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Itoobiya ay tahay xarun dibloomaasi, duulimaad iyo saad oo isku xirta Afrika iyo caalamka, islamarkaana ay ka shaqeyneyso sidii codka Afrika looga gaarsiin lahaa goobaha caalamiga ah.
Waxa uu intaas ku daray in Itoobiya ay dhiseyso saldhig Afrika u ah horumarin waara, islamarkaana ay geedigeeda horumarineed ku taageereyso iskaashiga caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa xusay muhiimadda dhallinyarada, hal-abuurka, iyo xirfadaha si looga faa’iideysto fursadaha mustaqbalka, gaar ahaan horumarinta ganacsiga dijitaalka, tamarta, sugnaanta cuntada, iyo nidaamka caafimaadka.
Waxa uu sheegay in qorshaha Talyaaniga ee MaTi uu la jaanqaadi doono horumarinta dhaqaalaha ee Itoobiya, isagoo xoogga saaraya tamarta cusub, beeraha casriga ah, isbeddelka dijitaalka, iyo horumarinta kheyraadka aadanaha.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa intaa ku daray in awooda hal-abuurka Afrika haddii lala midoobo tiknoolajiyada iyo maalgashiga Yurub ay abuuri karto xalal horseedaya barwaaqo iyo horumar labada qaaradoodba.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital