Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya, Dr. Maxamed Yuunis Al-Menfi, ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa

Addis Ababa, Cirir 6/2018 (ENA): Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya, Dr. Maxamed Yuunis Al-Menfi, ayaa yimid Addis Ababa si uu uga qeyb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika.

Markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole, waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Wasiirka Nabadda, Maxamed Idiris, iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Danjire Birhaanu Sagaaye.

Shir-madaxeedka 39-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika ayaa lagu qabanayaa halku-dhigga ah: “Hubinta helitaanka biyo waara iyo nidaamyo nadaafadeed oo ammaan ah, si loo xaqiijiyo guusha himilooyinka Ajendaha 2063.”

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�

Wakaalada Warka Itoobiya
2015