Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika - ENA Af-Soomaali
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika
Addis Ababa; 6-da Yekatit 2018 (ENA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo gaadhay Addis Ababa si uu uga qeyb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika.
Markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole, waxaa ku soo dhoweysay Wasiirka Dakhliga Aynaalam Niguse iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Danjire Birhanu Sagaaye.
Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika ayaa lagu qabanayaa Addis Ababa berri iyo maalinta ku xigta, iyadoo halku-dhiggiisu yahay: “Hubinta helitaanka biyo waara iyo nidaamyo nadaafadeed oo ammaan ah, si loo xaqiijiyo guusha himilooyinka Ajendaha 2063.”
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�