Mashaariicda horumarinta waraabka ee ka socda Deegaanka Canfarta waa kuwo rajo leh waxayna muujinayaan kartida horumarineed uu Leeyahay Deegaanku — Madaxweyne Awel Arba - ENA Af-Soomaali
Mashaariicda horumarinta waraabka ee ka socda Deegaanka Canfarta waa kuwo rajo leh waxayna muujinayaan kartida horumarineed uu Leeyahay Deegaanku — Madaxweyne Awel Arba
Semara; Cirir 6/2018 (ENA): Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Canfarta, Awel Arba, ayaa sheegay in mashaariicda horumarinta waraabka ee ka socda deegaanka canfarta ay yihiin kuwo rajo leh oo muujinaya kartida horumarinta deegaanka.
Madaxweyne Awel ayaa booqday goobaha ballaaran ee horumarinta waraabka ee Degmada Dubti wuxuuna u kuurgalay hawlaha loogu jiro iniinta qamadiga.
Wax soo saarka qamadiga ee 400 oo hektar oo dhul ah ayaa la soo ururiyay iyadoo ay joogaan madaxweynaha iyo xubnaha sare ee hoggaanka deegaanka.
Madaxweyme Awel Arba ayaa waqtigaas sheegay in mashaariicda horumarinta waraabka ee ka socda Degmada Dubti waa kuwo rajo leh waxayna muujinayaan kartida horumarinta deegaanka.
Wuxuu sheegay in taariikhda ah in meelaha lamadegaanka ah aysan wax soo saar lahayn si weyn loo beddelay, isla markaana qamadi iyo bariis lagu beerayo dhulka hoose ee deegaanka.
Wuxuu sheegay in Deegaanka Canfarta uu noqonayo astaan barwaaqo; ka dib isbeddelka, hawlo kala duwan oo beerista khudaarta, miraha iyo dalagyada laga fulinayo deegaanka, ayuu yiri.
Waxaa la sheegay in 400 oo hektar oo qamadi ah hadda laga goosanayo degmada Dubti, 250 hektar ee soo hartayna mar dhaw la goosan doono.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA